Farmaajo Oo Qadar Ku Sugan iyo Hoggaamiyaasha Maamul Goboleedyada Oo Baydhabo Uga Dhaawaqaya lasafashada Isbaheysiga Imaaraatka.

Monday May 14, 2018 - 08:55:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Qadar Ku Sugan iyo Hoggaamiyaasha Maamul Goboleedyada Oo Baydhabo Uga Dhaawaqaya lasafashada Isbaheysiga Imaaraatka.

    Hoggaamiyaha maamulka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa socdaal ku jooga magaalada Dooxa ee Wadanka Qadar oo suurta gelisay in Farmaajo kusoo baxo doorashooyinkii madaxtinimo ee dhacay sanaddii 2017.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha maamulka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa socdaal ku jooga magaalada Dooxa ee Wadanka Qadar oo suurta gelisay in Farmaajo kusoo baxo doorashooyinkii madaxtinimo ee dhacay sanaddii 2017.

Farmaajo oo shalay gaaray Dooxa ayaa xalay kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Qadar iyo madax kale oo uu kamid yahay taliyaha sirdoonka wadankaasi.

Tamiim Bin Xamad Al-thaani oo ah amiirka Qadar ayaa maanta kulan laqaadan doono Farmaajo, ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulankan lacago malaayiin dollar ah lagu guddoonsiin doono Hoggaamiyaha dowladda Federaalka oo taageero dhanka siyaasadda ah ufidiyay dowladda Qadar oo go'doomin kala kulantay isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta Hoggaaminayaan.


Dowladda Qadar ayaa DF-ka uballan qaaday in ay lacago ku bixin doonto dib u howlgelinta shirkaddii duulimaadyada Somali Airline iyo mashaariic kale oo ku saabsan tababarka maleeshiyaadka Sirdoonka.

Dhinaca kale kulan ay isugu tageen dhammaan hoggaamiyaasha maamul goboleedyada oo ka dhan ah DF-ka ayaa ka socda magaalada Baydhabo, kulankan ayaa ah mid khilaafsan socdaalka Farmaajo ee Qadar.

Hoggaamiyaasha maamul goboleedyada ayaa lafilayaa in ay ku dhawaaqaan in ay lasafanyihiin isbaheysiga dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Qadar ayna Dowladda Farmaajo ku eedeeyaan in ay ka baxday dhax-dhaxaadnimadii ay sheegan jirtay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items