Muqtada Alsadar Oo Ku Guuleystay Doorashooyinka Baarlamaaniga Ciraaq.

Monday May 14, 2018 - 09:13:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqtada Alsadar Oo Ku Guuleystay Doorashooyinka Baarlamaaniga Ciraaq.

    Waxaa lasoo gaba gabeeyay doorashooyinkii Baarlamaaniga ee shalay ka dhacay wadanka Ciraaq ee dhaca Mandiqadda Bariga dhexe loo bixiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lasoo gaba gabeeyay doorashooyinkii Baarlamaaniga ee shalay ka dhacay wadanka Ciraaq ee dhaca Mandiqadda Bariga dhexe loo bixiyay.

Wararka ka imaanaya Ciraaq ayaa sheegaya in lasoo xiray sanaadiiqda codeynta waxaana bilaabatay tirinta codadkii ay dhiibteen dad ubadan shiicada talada waddanka heysa.

Natiijooyin horudhac ah oo soo baxay ayaa sheegaya in Xisbiga Saa'iruun ee uu hoggaamiyo Wadaadka Shiiciga Muqatada Alsadar uu ku horreeyo doorashadii shalay dhacday.

Ilo wareedyo lagasoo xigtay guddiga doorashooyinka ayaa sheegaya in Xisbiga Saa'iruun iyo Alfatax ay heleen inta badan kuraasta Baarlamaanka.


inta badan codadkii laga dhiibtay gobollada Karbalaa,Najaf,Albasray iyo Baqdaad waxaa helay Muqtada Alsadar oo taageero xooggan ka heystay qeybaha kala duwan ee shiicada.

Codadka ugu badan ayuu Ninkaan ka helay Maleeshiyaadka Alxashdiga loo yaqaan ee Iiraan ay taageerto kuwaas oo loo ogolaaday in cod bixinta ay ka qeyb qaadan karaan.

Xeydar Alcabaadi oo ku magacaaban R/wasaaraha Ciraaq ayaa looga adkaaday doorashooyinka inkastoo wali aysan soo bixin natiijada rasmiga ah.

Isbuucii lasoo dhaafay doorashooyinkii Baarlamaaniga wadanka Lubnaan waxaa ku guuleystay Ururka Shiiciga Xisbullaah oo ah garabka iiraan ee Mandiqadda Shaam.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items