Dagaallo Dib Uga Qarxay Deegaanka Tuka Raq Ee Gobolka Sool.

Tuesday May 15, 2018 - 10:49:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Dib Uga Qarxay Deegaanka Tuka Raq Ee Gobolka Sool.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen deegaan ku dhow magaalada Laascaanood oo bilihii lasoo dhaafay ay colaado ka jireen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen deegaan ku dhow magaalada Laascaanood oo bilihii lasoo dhaafay ay colaado ka jireen.



Dagaallada oo ah kuwa culus ayaa saaka aroortii hore ka billaawday meel ka baxsan deegaanka Tuka Raq oo bilihii lasoo dhaafay ay ka oognaayeen xiisada colaadeed.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ay weerar ku kediyeen ciidamada maamulka "Puntland' oo ku sugnaa hareeraha Tuka Raq.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu labada dhinac kasoo gaaray dagaalka ka socda gobolka Sool.



Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay duullaan qorshaysan kusoo qaadeen degaannada maamulkaasi gacanta ku hayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items