Xarakada Al-Shabaab oo Ku Dhawaaqday in Maalinta Khamiista ay tahay Kowda Bisha Ramadaan.

Tuesday May 15, 2018 - 20:31:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarakada Al-Shabaab oo Ku Dhawaaqday in Maalinta Khamiista ay tahay Kowda Bisha Ramadaan.

    Iyadoo maanta ay taariikhdu ahayd 29-ka bisha Shacbaan 1439 Hijriyada, lana filan karay dhalashada bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa war rasmi ah oo kasoo baxay Maktabka Garsoorka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaa lagu sheegay in maalinimada Berr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo maanta ay taariikhdu ahayd 29-ka bisha Shacbaan 1439 Hijriyada, lana filan karay dhalashada bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa war rasmi ah oo kasoo baxay Maktabka Garsoorka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaa lagu sheegay in maalinimada Berri ee Arbacada ah la dhameystirayo bisha Shacbaan, halka maalinta Khamiista ee xigtana ay tahay maalinka 1-aad ee Ramadaan.


Kadib Baadi-goob dheer oo uu Maktabka Garsoorka Shabaabul Mujaahidiin ka sameeyay Wilaayaadka islaamiga ah ee Soomaaliya ayaa la waayay cid sheegtay aragtida curashada bisha Ramadaan.

Sidaas darteed Maktabka Qadaha Shabaabul Mujaahidiin waxaa uu go'aamiyay in bilowga bisha Ramadaan ay tahay maalinta Khamiista ah ee nagu soo foolleh.

Maktabka Qadaha Shabaabul Mujaahidiin waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah kula dardaarmaya in ay ka faa'iideystaan bisha Fadliga bada ee Ramadaan, ayna ku dadaalaan cibaadada sida Qur'aan akhriska, Adkaarta, Salaadaha iyo Jihaadka, inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.


Maktabka waxaa uu sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah u baaqayaa in ay dhaxdooda isku naxariistaan islamarkaana caawiyaan dadka fuqarada ah iyo Masaakiinta.

Related Items