Talibaan Oo Duullaan Ku Qaadday Magaalo Weyn Oo Afghanistan Katirsan [Warbixin].

Wednesday May 16, 2018 - 14:27:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talibaan Oo Duullaan Ku Qaadday Magaalo Weyn Oo Afghanistan Katirsan [Warbixin].

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada islaamiga Taliban ayaa guluf dagaaleed hor leh ku qaaday magaalo weyn oo katirsan wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada islaamiga Taliban ayaa guluf dagaaleed hor leh ku qaaday magaalo weyn oo katirsan wadanka Afghanistan.

Wararka ka imaanaya Galbeedka Afghanistan ayaa sheegaya in magaalada Farah ee xarunta gobolka Farah ay duullaan ballaaran kala kulantay ciidamada Mujaahidiinta Imaaradka Islaamiga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Farah uqaabilsan xukuumadda dabadhilifka Afghanistan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalyahannada Taliban ay la wareegeen dhowr xaafadood oo katirsan magaalada walina ay socdaan dagaallo culus.

Goob jooge ku sugan magaalada Farah ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayaan jugta qaraxyo waaweyn iyo madaafiic lays dhaafsanayo, aroornimadii hore ee saaka ayay xoogaga Taliban waxay daah fureen duullaankan ballaaran oo ay ku doonayaan in ay qabsadaan magaalada Farah oo kaabiga ku heysa xuduud beenaadka wadanka Iiraan.


Dhinaca kale dagaallo culus kadib ayay ciidamada Taliban waxay qabsadeen mid kamida degmooyinka gobolka Badkhashaan waxayna weeraradan qeyb ka yihiin howlgallada Alkhandaq ee xilliga Guga wuxuuna hadafku yahay in dhul hor leh laga xureeyo gacanta isbaheysiga NATO iyo Maleeshiyaadka dabadhilifyada ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items