'Puntland' iyo 'Somaliland' Oo Madaafiic isku Weydaarsaday Deegaanka Tuka Raq.

Wednesday May 16, 2018 - 15:21:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    'Puntland' iyo 'Somaliland' Oo Madaafiic isku Weydaarsaday Deegaanka Tuka Raq.

    Xiisada colaadeed ayaa wali kajira deegaanno katirsan Gobolka Sool ee gobollada waqooyi dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisada colaadeed ayaa wali kajira deegaanno katirsan Gobolka Sool ee gobollada waqooyi dalka Soomaaliya.



Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in madaafiic laysku weydaarsaday deegaanka Tuka Raq oo ay isku hor fadhiyaan ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Somaliland.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamo farabadan oo ka socda maamulka Hargeysa ay gaareen Tukaraq waxayna ciidamadaasi madaafiicda goobta ku garaaceen dhowr goobood oo shalay ay qabsadeen ciidamada maamulka Garoowe.

Daryanka madaafiicda iyo rasaas lays dhaafsanayo ayaa laga maqlay Tuka Raq balse lamasoo sheegin dagaallo xiriir ay oo dhinacyada dhax maray maanta.



Magaalada Laascaanood waxaa xalay saqdii dhexe illaa iyo maanta barqadii kasoo baxayay gurmadyo ciidan, Taliyihii ciidamada maamulka Somaliland ee Tuka Raq ayaa kamid ahaa tobaneeyo askari oo lagu dilay dagaalladii shalay.

Dhinacyada colaaddu u dhaxeyso ee isku haya Tuka Raq ayaa hanjabaadyo hawada isku marinaya iyadoona mid walba uu guulo ka sheeganayo dagaalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


 

Related Items