Saraakiishii ciidamada cirka ee uu madaxweynaha dalkaas Yuweri Museveni
shilkaas dartii u ceyriyey ayaa hadda dib loogu soo celiyey Soomaaliya iyagoo
haya xilal ka sarreeya kuwii hore ee laga xayuubiyey.
Gen Jim Owoyesigire oo shilkaas dartii u waayey xilkiisii ahaa taliyaha
ciidamada cirka Uganda, hadda waa abaanduulaha guud ee dhamaan ciidamada AMISOM
ee ku sugan Soomaaliya, waxaana hoosyimaada ciidamada Dowladaha shanta ah ee ku
mideysan isbaheysiga saliibiga ee iskumagacaabay Midowga Afrika.
Brig Moses Rwakitarate oo ahaa madixii shaqaalaha ee ciidamada Cirka oo isagu
xilligaas waayey xilkiisa waxaa hadda loo magacaabay la taliyaha Uganda ee
midowga Yurub.
Laakiin ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya waxay howlgalayaan
iyagoo ku jira xaalad adag oo aan heysan wax diyaarado ah, dhaawacyadooda si
deg deg ah loogama soo qaadi karo furimaha dagaalka, dabagalna kuma sameyn
karaan dagaalyahada Al-Shabaab ee soo weeraraya saldhigyadooda.
Afhayeenka ciidamada Uganda Richard Kamemire oo u waramay wargeyska
Daily Monitor ayaa sheegay in weli QM ay ku cadaadinayaan sidii ay u keeni laheyd
diyaaradihii burburay badalkooda ama dhaqaalihii ku baxay "weli waan ku cadaadineynaa sidii ay u heli
lahayn magdhowgaas” ayuu yiri.
QM ayaa taageero dhanka loojistikada ah iyo kaalma dhaqaale siisa
dhamaan dowladaha Afrikaanta ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Dowladda Uganda waxay muddo sanado ah raadineysay in ay hesho magdhowga
diyaaradahan oo qiimahooda lagu qiyaasay 10 milyan oo dollar.
Dowladda Uganda ayaa diyaaradahan oo ahaa kuwa saddex ah u soo dirtay
Soomaaliya bishii August ee sanadkii 2011-kii si ay ugu xoojiyaan duullaan
ballaaran oo xilligaas ay ku soo qaadeen wilaayada Sh/hoose.
Wargeyska qoray warbixintan wuxuu leeyahay xilliga diyaaradahan loo
dalbayey ciidamada Uganda waxay difaacooda ugu dambeeyey Yaallay degmada Afgooye
e balse hadda ayey taagan tahay baahida dhabta ah ee ay u qabaan diyaarado
maadama ay isku fidiyeen dhul ballaaran oo ay adag tahay in safar dhulka ah
lagu gaarsiiyo saheyda.
Muddo lix sanadood ah ayaa hadda laga joogo shilkaas oo Uganda ay ku weysay saddex diyaaradood iyo todobo askari, QM-na waxay ku adkeysatay in aysan awoodin bixinta magdhowga diyaaradahaas oo ah 10 milyan oo dollar laakiin Uganda ayaa weli ku calaacaleysa mudanayaashooda reergalbeedka si ay u helaan dhaqaalaha ay raadinayaan.
Uganda Oo sheegtay in aysan weli helin magdhowga saddex diyaaradood oo sanadkii 2011 kaga burburay dalka Kenya xilli [Warbixin].
12-ka bisha August ee nagu soo wajahan waxay noqonaysaa lix sano ka dib markii saddex diyaaradood oo ay leeyihiin ciidamada military-ga Uganda ay ku burbureen wadanka Kenya iyagoo kusoo wajahan Soomaaliya, ayna halkaas ku dhinteen ugu yaraan 7 askari