Sarkaal Katirsanaa Maamulka Dhuusamareeb Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Wednesday May 16, 2018 - 15:41:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Maamulka Dhuusamareeb Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

    Wararka ka imaanaya xaafado katirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeysan ay ku dileen sarkaal sare oo katirsan dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya xaafado katirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeysan ay ku dileen sarkaal sare oo katirsan dowladda Federaalka.



Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay xaafadda Carafaat ku dileen sarkaal katirsanaa ciidamada maamulka Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud bartamaha Soomaaliya.

Sarkaalka ladilay ayaa madax u ahaa ciidamo katirsan maamulka Galmudug iyo maleeshiyaadka Suufida oo bilo ka hor lagu mideeyay magaalada Dhuusamareeb.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka sarkaalka lagu dilay sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items