Qaraxyo Lagu Weeraray Ciidamada Dowladda Ee Ku Sugan isgoyska Afarta Darjiino.

Thursday May 17, 2018 - 11:39:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Lagu Weeraray Ciidamada Dowladda Ee Ku Sugan isgoyska Afarta Darjiino.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar hor leh oo ciidamo katirsan DF-ka lagula beegsaday xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar hor leh oo ciidamo katirsan DF-ka lagula beegsaday xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in maanta Barqadii weerar loo adeegsaday Bambaanooyin lagu qaaday isku imaatin ay maleeshiyaadka 'Xasilinta Caasimadda' uga sugnaayeen isgoyska Afarta Darjiino.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo ka dhashay Bambaanooyinka lagu weeraray isgoyska Afarta Darjiino, war kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in 10 askari oo ku sugnaa isku imaatinka la weeraray ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxyada.


Waa Maalintii koowaad ee Bisha Ramadaan oo weeraro xiriir ah ka dhacaan degmooyinka gobolka Banaadir, xalay ayay aheyd markii weeraro ka dhaceen degmooyinka Howlwadaag,Wardhiigleey iyo Waaberi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items