Booliska Kenya Oo Jirdil Kula Kacay Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka.

Thursday May 17, 2018 - 12:22:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Kenya Oo Jirdil Kula Kacay Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka.

    Wararka ka imaanaya dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay jir dil xooggan u geysteen mid ka mid ahaa Xildhibaanada Dawaaqiida Kooxda Ridada Somaliya xili uu ku suganaa Magaalada Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay jir dil xooggan u geysteen mid ka mid ahaa Xildhibaanada Dawaaqiida Kooxda Ridada Somaliya xili uu ku suganaa Magaalada Nairobi.


Xildhibaanka oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa xiliga la jir dilayay waxa uu watay gaari nooca raaxada ah isaga oo dhex marayay xaafada Westland ee Magaalada caasimadda ah.

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay ka shakiyeen in gaariga uu xildhibaankan Murtadka ah watay uu ahaa mid lasoo xaday sidaasi darteedna ay u jir dileen.

Balse ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa kusoo waramaya in Ciidamada booliska Kenyaatiga ah ee jirdilka xoogan u geystay Xildhibaanka ay tiro ahaan gaarayeen ilaa afar sarkaal, isla markaana ay waydiisteen inuu lacago laaluush ah siiyo, kadibna ay garaaceen markii uu amarkooda ka dhega adaygay.



Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in ay ka qaateen Xildhibaanka ka tirsan kooxda ridada Soomaaliya ka qaateen lacag gaareysa laba kun oo doolar oo uu jeebka ku watay.

Xildhinaaka la jir dilay ayaa xilka xubinnimada Golaha Dawaaqiida loo magacaabay bishii Febraayo ee sanadkaan kadib markii uu xilkaasi ka dhintay Walaalkiis oo Wasiir ka ahaa dowladda Federaalka kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabaas Cabdullaahi Siraaji , kadib markii askar ka tirsan isla kooxda Ridada Soomaaliya ay ku toogteen afaafka hore ee Madaxtooyada magaalada Muqdisho xilli uu saarnaa gaari nooca raaxada ah oo dabasocday gaari kale oo ay maleeshiyaatka toogtay saarnaayeen.

Arinta jirdilka xildhibaankan ka tirsan DF-ka  ayaa qayb ka noqonaysa silsilado xadgudubyo ah oo ay inta badan la kulmaan hoggaamiyaasha maamulka dabadhilifka ah  ee kajira Villa Somalia.

Dhowr jeer oo hore ayaa masuuliyiin kamid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay warbaahinta ka sheegeen in ay la kulmeen jirdil iyo ihaano ay u geysteen askar ka tirsan saliibiyiinta Afrikaanka ah ee ku sugan Garoonka diyaarada Muqdisho iyo xerada Xalane oo ah fariisinta ugu weyn ee ay ku suganyihiin ciidamada Midowga Afrika.

Related Items