10 Qof American Ah Oo Ku Dhintay Toogasho Ka Dhacday Gobolka Texas.

Saturday May 19, 2018 - 11:24:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 Qof American Ah Oo Ku Dhintay Toogasho Ka Dhacday Gobolka Texas.

    Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay kuwa kalane waa dhaawacmeen kadib markii weerar hubeysan oo hor leh uu ka dhacay mid kamida gobollada ugu waaweyn wadanka Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay kuwa kalane waa dhaawacmeen kadib markii weerar hubeysan oo hor leh uu ka dhacay mid kamida gobollada ugu waaweyn wadanka Mareykanka.

Ugu yaraan 10 qof oo ubadnaa Arday ayaa dhintay kadib markii ruux hubeysan uu toogasho ka geystay iskuul kuyaal degmada Santa Fe ee gobolkaTexas sida ay sheegeen saraakiisha Booliska.

Dad ka badbaaday weerarka ayaa warbaahinta u sheegay in Nin 17 sana jir ah uu qori nuuca shiishka loo adeegsada ah uu ku toogtay ardayda iskuulka waxayna dhimashadu sii caga cageynaysaa 10 qof halka dhaawacu uu toban gaarayo.

Guddoomiyaha gobolka Texase ayaa sheegay in ciidamada Boolisku ay gacanta ku dhigeen dukumiintiyo iyo Miinooyin lagasoo helay guriga ruuxa toogashada geystay oo sida muuqday si heer sare ah uqorsheeyay weerarka.


17 sana jirka dadka ku leeyay dugsiga sare ee Santa Fe ayaa isku dhiibay ciidamda Booliska wuxuuna ka baaqday in uu isdilo kadib markii uu baqay, sida ay caddeynayaan dukumiintiga uu qoray toogtaha waxaa uqorsheysneed in marka uu fal dambiyeedka geysto uu isdilo balse taasi ma dhicin.

Goobta weerarku ka dhacay ayaa 65 KM ujirta Hoostin oo ah magaalada sedaxaad ee ugu weyn uguna dadka badan wadanka Mareykanka.

Dhowr Bilood ka hor oo sanadkaan ah weerar toogasho ah oo ka dhacay gobolka Florida waxaa lagu dilay 17 qof, Donald Trump ayaa war uu soo saaray ku cambaareeyay weerarkan wuxuuna ku baaqay in lahubeeyo shaqaalaha iskuullada si ay uga hor tagaan weerarada nuucaan oo kale ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items