Roobab Daadad iyo Dabeyllo Wata Oo Ku Dhuftay Gobollada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari Soomaaliya.

Saturday May 19, 2018 - 11:29:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Daadad iyo Dabeyllo Wata Oo Ku Dhuftay Gobollada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari Soomaaliya.

    Roobab Dabeyllo iyo daadad wata ayaa ka da'ay dhul baaxad leh oo katirsan gobollada waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab Dabeyllo iyo daadad wata ayaa ka da'ay dhul baaxad leh oo katirsan gobollada waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya gobollada Nugaal iyo Bari ayaa sheegaya in roobab saacada xiriir ah da'ayay ay saameyn ku yeesheen isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Duleeda Magaalada Boosaaso ugu yaraan 2 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Daad ka dhashay Roobabka Mahiigaanka ah ee gobolka Bari ku dhuftay.

Magaalada Qardho ee gobolka Nugaal waxaa lagusoo warramayaa in daadad biya ah ay ku rogmadeen waxaana hakad ku jira adeegyadii dadweynaha sida ay sheegeen dadka deegaanka.


Togag kuyaal gobolka Bari ayaa lasoo sheegayaa in ay qaadeen gaadiid waloow aan la sheegay khasaara ka dhashay Togaga gaadiidka qaaday, dhanka deegaannada uu ka arrimiyo maamulka isku magacaabay 'Somaliland' waxaa lagasoo sheegayaa Roobab Mahiigaan ah, degmooyinka xeebaha gobolka Awdal sida Seylac ayay ka da'ayaan roobab Dabeyllo wata.

Labadii Bilood ee lasoo dhaafay Roobab Mahiigaan ah oo daadad wata ayaa ka da'ayay gobollada dhaca Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya wuxuuna xilligan Guga uu noqday mid Barwaaqo ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items