Sheykh Abuu Cubeyda oo ka hadlay Xaaladda dalka iyo Khilaafka hareeyey Maamulka Farmaajo (Dhageyso+Warbixin)

Saturday May 19, 2018 - 19:34:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sheykh Abuu Cubeyda oo ka hadlay Xaaladda dalka iyo Khilaafka hareeyey Maamulka Farmaajo (Dhageyso+Warbixin)

    Mu'asasada Al-kataa'ib ee Garabka Warbaahineed ee Xarakada Al Shabaab ayaa baahisay kalimad cusub oo uu jeediyay Amiirka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeydah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada Al-kataa'ib ee Garabka Warbaahineed ee Xarakada Al Shabaab ayaa baahisay kalimad cusub oo uu jeediyay Amiirka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeydah.


Kalimaddan oo cinwaankeedu yahay (تحسبهم جميعا وقلوبهم شتي) lana dhageysan karo muddo 22 daqiiqo ah, ayuu Amiirka Xarakada Al-Shabaab, Sheykh Axmad Cumar (Abuu Cubeyda) kaga hadlayaa xaaladda wadanka iyo khilaafka siyaasadeed ee hareeyey  dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona dhanka kalena jeediyey fariimo ku wajahan mujaahidiinta iyo dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.



Sheykh Abuu Cubeyda ayaa ugu horreyn si kooban uga hadlay fadliga bisha barakeysan ee Ramadan ee dhawaan curatay wuxuuna dadka Muslimiinta ku booriyey in ay ka faa’ideystaan kuna dadaalaan gudashada waajibaatka uu Allaah saaray.

"Waxaa mahad mudan Allaha na soo gaarsiiyey bishaan barakeysan ee Ramadan oo ah bisha jihaadka iyo Qur’aanka, bisha qiyaamka iyo sadaqada, waxaana nafteyda iyo tiinaba ku boorinayaa inaan u istaagno gudashada waajibkaas” ayuu yiri.

Intaas ka dib ayuu Amiirku sii gudagalay nuxurka kalimadiisa oo ah mid uu diiradda ku saarayey khilaafka ba’an iyo guuldarooyinka siyaasadeed ee hareeyey kooxda ridada Soomaaliya iyo fashilka gaalada iyo murtadiinta ay kala kulmayaan dagaalka ay kula jiraan mujaahidiinta.

"Waxaan Allaah uga mahadcelineyaa guulaha isxigxiga ee uu nagu galladeystay. Guulaha uu Allaah nagu sharfay inaan la noolaano, Umadeena Muslimka ahna la qeybsano waxaa ugu weyn laba guullood. Guusha koowaad ayaa ah xujada muujisay ahdaafta iyo xaqnimada aan u dagaalameyno iyo runimada fariimaha dacwadeed ee aan gudaneyno, naf iyo maalna aan u hureyno. Waa caqiidada iyo towxiidka wax kormariyey kafada Mujaahidiinta, hogaanka ridana ku riday caloolyoobid, walbahaar iyo haziimo nafsi ah oo uusan marnaba ka baxeynin ilaa uu Allaah u towbadkeeno mooyee” ayuu yiri.

Kalimadda oo ah mid u sameysan qaab video ah ayaa intaas ka dib waxaa ka soo muuqanaya qaar ka mid ah hogaamiyeyaal katirsan Dowladda Federaalka oo uu ku jiro Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuwaas oo qiraya in ay ka adkaan waayeen Mujaahidiinta taasna ay sabab u tahay in ay yihiin dad caqiiqdo leh oo garanaya waxa ay ku dhimanayaan.


Sheykh Abuu Cubeyda, Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si qoto dheer kaga hadlaya xaaladda uu dalku marayo iyo sida gumeystuhu u saldhigtay dalka isagoo adeeganaya madaxda dabadhilifyada ee ay talada dalka u gacan geliyeen.

"Haddan isdul taagno xaaladda dalka uu marayo, waxaa inoo muuqaneysa in dhowr boqol oo daneystayaal ah, sheegtana inay sharci dajiyeyaal yihiin ay masiirka Umadeena u gacan gelinayaan shisheeye, waa kooxyar oo Allaah ku heysata talada iyo xukunka iyo xaqqa tashriica ee uu la gaarka yahay, waa gole sheydaan dhisay oo si aan kala har lahay ula diriraya u hogaansanka diinteena wanaagsan iyo ku dhaqanka sharciga Allaah” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Waa gole calooshood u shaqeystayaal ah oo shuruucda ay dajiyaan dalka u horseeday in uu galo maxmiyad, iyo in dhulkii uu beylah u noqdo cadowga Umadani lahayd. Waa gole dalka u gacan gelinaya cadowgeena soo jireenka ah ee Itoobiya iyo Kenya. Waxay barratan ugu jiraan sidii ay u hirgelin lahaayeen hanka siyaasadeed ee gumeystuhu ka damacsan yahay bulshadeena Muslimka ah. Waa golaha doortay hogaamiye bilaash xeyte ah, kasxumo iyo garaad la’aana ku caanbaxay, Kampala accrod-na ku garaadsaday”.

Mar uu soo hadal qaaday Khilaafkii ugu dambeeyey ee hareeyey golaha dhawaaqiidda dowladda Federaalka ayuu Sheykh Abuu Cubeyda tibaaxay in isqabqabsigaas uu banaanka soo dhigay damaca liita iyo damiir xumada xildhibaanada golaha dhawaaqiida iyo awoodaha gumeysi ee hadda ku loolamaya boobka hantida iyo kheyraadka dadka Soomaaliyeed.

Muxuu ka yiri Turkiga Iyo Imaaraatka

"Khilaafka kala dhexgalay golaha sheydaan wuxuu soo ifbixiyey damacooda liita, damiir xumada xubnahooda iyo garaadyarida hogaankooda siyaasadeed, wuxuuna sawir dhab ah ka bixinayaa, saadaalna u yahay halista Fedaralku leeyahay iyo foolxumada uu sito ee ku soo fool leh Umadda muslimka ah ee Soomaaliyeed hadeysan iska qaban dhuuni raacyada sufahada ah ee aan u dhuun duloolin siyaasadda lala maagan yahay dalka iyo haadaanta lagu sii wado Umaddan muslimka ah” ayuu yiri.

Sheykh Abuu Cubeyda ayaa isagoo hadalkiisa sii wata yiri: "Wuxuu sidoo kale Khilaafku soo muujiyey laba awoodood oo ka mid ah awoodaha majaraha u haya hogaanka ridada, saameyntana ku leh gumeysiga dalka uu ku jiro, waxaa isweydiin mudan waxa lagu kala dooranayo Jawaari iyo Mursalka Turkiga ee loo doortay Baarlamaanka, waxaa sidoo kale in la isweydiiyo mudan waxa lagu kala dooranayo Turkiga iyo Imaaraatka, soo labadan dowladood ma ahan kuwa dhibaatada ba’an ku haya dalkeena, kana hortaagan in Umaddan ay isku filnaansha gaarto.”

Mar uu ka hadlayey dowrka foosha xun ee Turkigu ku leeyahay duullaanka lagu hayo dadka Soomaaliyeed ayuu yiri: "Turkiga oo qeyb ka ah huwanta saliibiyada ah ee NATO ayaa ku takrifalaya dhaqaalaha dalka, wuxuu gacanta ku dhigay Dakada iyo Airport-ka, wuxuu dalka ka hirgeliyey saldhig military oo uu ku ilaalsanayo boobka dhaqaalaha dalkeena, waana saldhigga ugu weyn ee dalkiisa ka baxsan ee uu dunida ku leeyahay sida la ogyahay. Turkiga waa midka hadda Itoobiya ka taageeraya Mashruuca biya xireenka An-Nahda” ayuu yiri.

Mar uu milicsaday kaalinta Imaaraatku ku leeyahay duullaanka lagu soo qaaday dalka ayuu yiri: "Sidoo kale Imaaraatka ayaa baratan adag ugu jira siduu gacanta ugu dhigi lahaa Dakada ka baxsan Muqdisho, Talisyo ciidanna ugu yeelan lahaa badda Cas, waxay labada dowladoodba [Turkiga iyo Imaaraatka] sabab u noqdeen dhismaha ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo iyaga ka amar qaata. Danta ay ka leeyihiina waa in Umadda lagu xasuuqo, Hantideedana lagu boobo”.

Sheykh Abuu Cubeyda, Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegay in duullaanada gumeysi ee lagu soo qaaday dalka iyo damacyada siyaasadeed cadowga ay fududeynayaan golaha dhawaaqiida ee kooxda ridada kuwaas oo uu sheegay in saddex meelood hal meel oo ka mid ah ay heystaan dhalashada dowlado shisheeye, ayna matalaan dowladaha ay aqoonsiga ka heystaan. Wuxuu golaha dhawaaqiida ku tilmaamay xubno liita oo aanan gaari karin wax go’aan, go’aanka ugu dambeeya ee kulamadoodana uu ka yimaado dowladaha ay ka soo kala jeedaan.

Fariin ku wajahan dadka Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed ayuu u bidhaamiyey xaalad adag ee uu maanta marayo dalka iyo duullaanada kala duwan ee lagu soo qaaday diinta, dadka iyo duunyada si wadanka loo qabsado kheyraadkiisana loo qaato.

Isagoo la hadlaya dadka Soomaaliyeed ayuu yiri: "Umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay waxaa isweydiin mudan, Umad taladeeda iyo dhaqaalaheeda uu gacanta ugu jiro cadowgeeda, sir ka qarsoona uusan jirin, Umad hogaankeedu uu cadowgeedu u dooro, ilaalana u yahay, Umad ciidankeeda uu tababar iyo mushaaraad siinayo cadowgii la rabay inuu dalka ka difaacdo, waxaa isweydiin mudan Umadda uu masiirkeedu majaraha u hayo cadowgeeda, manaahijta dhalaankeedana uu u dajiyey, intee in la eg ayey sii jiri kartaa? Diinteeda iyo dalkeedana u bad-baadi karaa”.

Sheykh Abuu Cubeyda oo sii hadlaya ayaa yiri: "Umad yahay waxaad ogaataa in dalkaagu ku jiro gumeysi qayaxan, cadowgaaguna uu la wareegay ilihii dhaqaale iyo kaabayaashii uu dalku lahaa, gumeystuhu wuxuu dalku ka hirgeliyey dowlad ku sheeg u sharciyeysa boobka uu dalku ku hayo, shacabkana marin habaabineysa, iyo ciidan masaalixdiisa ilaalsha, danihiisana u meel mariya, waxaa intaa dheer tirakoobka cadowgu ku hayo dadkeena iyo duunyadeena, wuxuu daraaseeyey awoodeena dhaqaale, waxay xog dhameystiran ka uruursadeen baahida ay bulshadeenu leedahay, iyo istihlaaga dadkeena iyagoo adeegsanaya hay’adaha dalka buux dhaafshay ee danahooda u fuliya, dalkana u sahmiya”.

Guulaha Dagaal Ee Mujaahidiinta

Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheykh Abuu Cubeyda ayaa sidoo kale soo hadal qaaday guulihii ugu dambeeyey ee ciidamada Mujaahidiintu ka soo hoyeen jihaadka lagula jiro gaalada iyo murtadiinta, Isagoona tilmaamay in cadowga uu hadda ku go’doonsan yahay xeryaha uu kaga sugan yahay wadanka.

"Guusha labaad ee mudan inaan Allaah uga mahadcelino, Umadeena Muslimka ahna ay nala qeybsato ayaa ah guusha ay Mujaahidiintu Allaah fadligiis ka soo hoyeen Jihaadka lagula jiro gaalada iyo murtadiinta, waxaa Allaah mahadiis ah in awooddii gaalada la wiiqay, ku dhawaad 200 oo ka tirsan ciidamada AMISOM-na la dilay muddo ka yar saddex bilood, tira intaas ka badana la dhaawacay, Allaahu Akbar, waa nimco mudan inaan Allaah uga mahad celino” ayuu yiri Sheykh Abuu Cubeyda – Xafidahullaah.

Mar uu ka waramayey xaaladda ciidamada shisheeye ee ku soo duulay wadanka iyo dabadhilifyadooda ayuu yiri: "Waxaa Allaah mahadiis ah in maanta ay gaalada iyo murtadiintu go’doon ku jiraan qabweynidoodiina la jabiyey, xerooyinkoodana aysan soo dhaafi karin, godad waaweyna ay isku gedaameen, Wakhtiga ay kala gudbisanayaan sahaydoodana ay la kulmaan baaba’ halaag iyo dhiigbax joogta ah, waxaana xaqiiqa ah in jiritaanka xukuumada ridada uu ku soo uruuray oo kaliya muuqaal lagu baahiyo waxa loogu yeero baraha bulshada iyo shaashadaha warbaahinta cadowga u adeegta. Waxaa aad u kala duwan guulaha ay sheeganayaan iyo xaqiiqada ka jirta fagaaraha dagaalka”.

Nafhurka Geesiyada Towxiidka

Sheykh Abuu Cubeyda wuxuu bogaadiyey ciidamada mujaahidiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kuwaas oo uu sheegay in ay sameeyeen nafhur ballaaran oo ay ku diifayaan diinta Islaamka iyo dadka Muslimiinta.

"Waxaan leeyahay geesiyaasha towxiidka ee ka qeyb qaatay naafeynta cadowga, Jazaakumullaahu kheyral Jazaa, Allaha idinka aqbalo nafhurka aad sameyseen iyo sida aad ugu taagan tihiin difaaca diinta, koryeelidda kitaabka Allaah iyo hirgelinta ku dhaqanka sharcigiisa suuban, waxaan Allaah weydiisanayaa inuu Shuhadadeena janada Firdowso hooy uga dhigo, dhaawaceenana bogsiiyo, maxaabiisteenana inoo soo daayo” ayuu yiri.

Marka uu la hadlay dadka Soomaaliyeed ayuu Umadda ku baraarujiyey in ay taageeraan wiilashooda Mujaahidiinta ee hortaagan cadowga hororka ah ee ku soo duulay shareecada Islaamka.

"Umadeena muslimka ah ee Soomaaliyeed waxaan leeyahay waa kuwan wiilashaada Mujaahidiinta ah waxay qoriga u qaateen una jihaadayaan in Kalimada Allaah kor noqoto, Shareecadana isku maamulno, gobanimadana soo dhicino, gumeystahana dalka laga saaro, maatida iyo inta taagta darana u gargaarno ee Umadyahay gurmad u noqda mujaahidiinta, garabkoodana istaaga, guushey soo hoyaan ayaad maalin dhow miraheeda guran doontaan Insha’Allaah”.

Sheykh Abuu Cubeyda ayaa isagoo hadalkiisa sii wata yiri: "Mujaahidiinta waxaan leeyahay Ogaada in ay Umadda Islaamka idinku tashaneyso, idinkana sugeyso guulo la mid ah kuwii uu Allaah idinku galladeystay, Allaah kaashadoo huriya duullaanka, xeryahoodana dab qabadsiiya, harsashada iyo u diida hurdada, hunguriga korkiisa iyo halbowlahana gooya, dalalkey ka soo duuleena holaca gaarsiiya”

Ugu dambeyntii Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa hadalkiisa ku gunaanuday tacsi u diray qoysaskii muslimiinta ee ku caruur iyo hanta beelay fatahaadaha ku dhuftay qaar ka mid ah gobolada dalka, wuxuuna ganacsatada iyo dadka hantida leh ugu baaqay in ay u gurmadaan dadkaas dhibaateysan.

Ku dhageyso Facebook si Toos ah
Halkan toos uga degso MP4
Toos U Daawo

Related Items