GOBI GEERI WAA TAQAAN GUNISE YEELKEEDE!! W/Q Suldaan Garyare

Tuesday September 09, 2014 - 15:22:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 40
  • 1 0
  • Share via Social Media

    GOBI GEERI WAA TAQAAN GUNISE YEELKEEDE!! W/Q Suldaan Garyare

    بسم الله الرحمن الرحيم وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين GOBI GEERI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

بسم الله الرحمن الرحيم وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين GOBI GEERI WAA TAQAAN GUNISE YEELKEEDE!!!

Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

Waxaa beryahaanba af labadii yeeraya gaalo, munaafaq iy kuwa riddoobay, oo wixii aan Alle xukunkiisa ahayn nidaam iyo dastuur ka yeeshay. Waxa kuwa soo raaca oo ah dameeri dhaan raacday kuwo badan, oo aan kala garanayn waxa ay wax ku diiddan yihiin iyo waxa ay wax ku raacaan ama ku taageeraan, laakiin saxaafadda wax ka dhegeysta.



Sida Alle(swt) quraankiisa ugu caddeeyey, cid waliba waa dhadhamin geerida, basharkuna iskuma inkirsana in cid waliba dhimanayso, laakiin arrinta muhiimka ee la doonayo in la fahmo ayaa waxa ay tahay in qof walbaa uu la soo baxayo wixii uu ahaa iyo ciddi uu jeclaa, cid inkirsan iyo cid ku baraarugsanba. Alle(swt) wuxuu yaboohaas ku caddeeyey Suuratul Ala-cimraan, aayadaheeda 185-186).

كل نفس ذائقة الموت وإنما توفون أجوركم يوم القيامة

فمن زحزح عن النار وأدخل الجنة فقد فاز وما الحياة الدنيا إلا متاع الغرور

لتبلون في أموالكم وأنفسكم ولتسمعن من الذين أوتوا الكتاب من قبلكم ومن الذين أشركوا أذى كثيرا وإن تصبروا وتتقوا فإن ذلك من عزم الأمور

Waxana xaqiiq ah in cid walba la soo shir tagayso ciddii ay jeceshaya ama walaha u hayso, ehelna ka dhigatay, maalinta Alle hartiisa la taagan yahay, marka kuwa hadda gaalada afkooda daba raacaya ama gaalada u hambalyeynayoow waxa aad ogaataan in aad isku xukun tihiin, waayo waxa aad wada jeceshihiin waa in aan dhulka Soomaalida Shareecada Alle lagu xukumin, idinka oo sharci gaalo degsatay iyo daaquudnimaba u sacabba tumaya.

Waxa muslimiinta loo laynayana, oo uu ugu dambeeyey amiirkii mujaahidiinta Soomaaliya Amiir Abu-Zubayr allaha doonitaankiisa haka aqbalee, dhawaanna Alle oofsday, uuna god u galay, ay tahay maxaad Shareecada Alle ugu dagaallamaysaa ama aad ugu sacyinaysaa.

In cid walba ay la soo baxayso ciddii ay jeceshahay, waxaa qawlkiisa ku caddeeyey Rasuulkeenii Muxamed Calayhi salaam mana aha mid been ah ee ballanta Alle iyo tan rusushuba waa xaq:

يحشر المرء مع من أحب يوم القيامة

Qofku haddii uusan ahayn mid Alle ku kalsoon, waxa la waynaanaysa adduunyada iyo in uu nafta quuro oo Alle kaga iibsado janno, oo aan qof walbaa iska heli karin iyo raalli ahaansho Alle. Haddii nin mujaahid ah, oo gantaal Maraykan iyo asxaabtiisuba la helaan, ma aha mid joojin karta ama kalago’ ku keenaysa wixii markii horeba loo dagaallamayey, taas oo ah in Shareecada Alle laga oogo koonkiisa ama dhulkiisa.

Muslimiinta iyo gaaladu ama kuwa adduunyada u dagaallamaya ee laga yaabo in ay Muslim sheeganayaa, waxa ay ku kala duwan yihiin:

Ø Muslimiinta ninka xukuma ama ugu sarreeya xagga darajada ayaa goobta is geeya, kana horbaxa kuwa uu hoggaminayo, waxana dhici karta in uu isagu Allena la kulm, iyada oo ay weli nool yihiin kuwii la hoggaminayey.

Ø Dilka ninka madaxda Muslimiinta ah waxa ku baraara jihaadka, dhiiggiisana muslimiin badan ayaa soo iftiinsada, oo sooraaca.

Ø Marka jihaadka lagu jiro waxa la hubaa qofba qofkuu ka khayr badan yahay oo Alle doorta oo uu shahaado helo.

Kuwa aan usslimiinta ahayn, ma aha kuwo tilmaamahaas laga helo, laakiin adduun jacayl iyo fuleynimo ayaa alle ku salladaa, waxaana badanaa geeridu ku dhacdaa kuwa la xukumo oo amarka la siinayo, inyar oo Alle geeri u soo dedejiyey oo saraakiishooda ah mooyee.

Haddii bani’aadamku uu wax garanayo ama taariikhda dib u raacayo, hoggaamiye jihaadi ah oo gaalo gantaal la heshay, arrinkii socday in uu ku horumaro ama ku saa’ido mooyee, ma aha mid dib u celiya, waxaana tusaale kuugu filan dhawr dhacdo oo dhacday qarnigan 21aad dhexdiisa, cid walibana markhati cad ka tahay, wax inkiraad ahina aysan ka iman.

AFGHANISTAAN

Waxa muddo hadda laga joogo saddex sano kuna beegan 2011kii Maraykanka iyo dabadhilifiinta Bakistaan ay dileen raxmatullaahi calayhim Cusama Bin Ladin. Maanta oo ay ka soo wareegtay saddex sano iyo bar Afgaanistaan waxa ay qarka u saaran tahay in Imaaro Islaami ah lagaga dhawaaqo dhawaan, NATO iyo wixii ay cagaha ku wadatayba waa isaga huleelayaan, weliba iyaga oo dulli ah, jabna ka raacay, wixii naf iyo maalba ku bixiyeenna ku khasaaray, oo aan gaarin.

Alqaacida oo Maraykan u arkayey in uu soo gabagabeeyey haddii Bin Ladin la dilana, maanta waxa ay raayaddii Islaamka ka taagtay Galbeedka Afrika ilaa Waqooyiga Carabta, haddana bariga fog iyo Hindiya ayay doonaysaa in ay kuwa xoolaha caabudo iyo dawaaqiidda Muslimmiinta sheeganaya ee Muslimiinta dhibka ku haya ka dulqaaddo raayada Allena ka dul babiso:

CIRAAQ

Dalka Ciraaq oo ay gaalo oo dhammi ku duushay, waxa iyana Alle ku oofsaday raxmatullaahi calayhim Abu Sarqaawi, Cumar Al-Baqdaadi iyo Abu Xaydar. Dhamman mujaahidiintani waa kuwo naftooda Alle(swt) ka iibsaday. Maanta waxa caalamka oo dhan ka qaylinaya Dawlatul-Islaam, taas oo xididdada u siibtay, darbiyaddii shaydaanka ee xuduud ku sheegga ahaa ee loo yaqaanay ‘Sykes-Picot’ Muslimiinta bariga Dhexena lagu kala qaybiyey cammiiliintana gacanta loogu gashay.

Cabsida laga qabo Dawlatul-Islaam waxa ay sabab u noqotay in urur weynihii xaaraanta ahaa ee NATO is aamini waayo, dalal badanna ka baxaan ama ka gaabsadaan dagaal lagu qaado Dawlatul-Islaam, iyada oo hadda u muuqata in ay ku soo hareen ilaa siddeed(8)dal, oo naf lacaarinimo waddo, geed ay harsadaana waayey Maraykanna madax u yahay.

Dawlatul-Islaam waxa ay hadda qarka u saaran tahay in ay dumiso derbigii dheeraa ee muddo toddobaatan(70)sano ku dhawaadka Yuhuud laga ilaalinayey ee Urdun iyo Suuriya.

Su’aashu waxa aya tahay maxaa kaga daatay jihaadkii haddii raggaas oo dhan Alle oofsday.

SOOMAALIYA

1dii May 2008dii ayaa raxmatullaahi calayhi Aadan Xaashi Faarax(Aadan Cayrow),Maraykan iyo jawaasiistiisu gantaal la heleen isaga iyo rag kale oo walaale ah. Muddadaa waxa laga joogaa lix(6)sano iyo bar, walaalaha Soomaaliya ka dagaallamaya, cadawga soo duulayna wajahayaa waxa ay hadda ka aarimmiyaan marka dhawr magaalo, oo si naf lacaarinimo ah ay AMISOM, ku soo gashay laga reebo, ku dhawaad bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya oo dhan, raayaddii tawxiidkana ka taageen, cidina ma inkirsana, hala jeclaado amase hala necbaado, mid markhaati u baahanna ma aha.

Haddaba su’aasha la filan karo ayaa waxa ay tahay haddii horraantii bishan gantaal xaqdarro ah lala helay raxmatullaahi calayhi Abu-Zubeyr, oo ahaa amiirkii Xarakatu-Al-Shabaab, waxa la filan karaa maxay tahay?.

Ma sida aan taariikhda ka barrannay baa suuragalaysa, mise wax aan aataariikhda lagu arag ayaa soo baxaysa?

Su’aashaa jawaabteeda durba gaalo iyo cawaankeedu kuwa wax dareensani waa iftiimiyeen, ragga iftiimiyeyna waxa kamid ah nin u dhashay dalka Norway, waxna ka qoaray Xarakatul- Alshabaab, lana yiraahdo Stig Jarle Hansen.

Hansen oo isu arka in uu yahay khabiirka kaliya ee reer galbeedka ah, waxana ka qoaray Al-shabaab ayaa qaba in Al-shabaab horumar cusub samayn doonaan, dhulka inta badanna ay qabsan doonaan, jabna dhabarka u saari doonaan waxa ay ugu yeeraan dawladda iyo ciiddammada nabad ilaalinta ee beesha caalamku taageerto.

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa ‘guuli waa tan cadawgaagu kuu qiro’ welibana in ay maahmaah Carabi ah tahay ayaan jeclahay. Hansen qir in aan wax dhib ah la gaasriin Al-shabaab in toosh lagu iftiinsho waxa ay u dagaalamayaan, oo muslimiin badan, oo caalamka ku kala nool u noqon kartaa sabab ay Soomaaliya ku yimaadaan mooyee.

Haddaba qoraalkan gaaban waxa aan ku soo af meerayaa geerida, sida aan horey u soo xusayba, Allaa ballan qaaday ee sababaha ayaa kala duwan, oo qofna isaga oo cis ku taagan Allena raalli ka yahay ayaa Alle oofsadaa midna isaga oo dulli ah ayaa Alle oofsdaa, sidaa darteed "geerida gobi waa taqaan gunise yeelkeed”.

Fiiro gaar ah: Cinwaankan waxa aan ka soo amaahday qoraal uu hadda kahor ka qoray walaal Soomaaliyeed geeridii rraxmatullaahi calayhi Aadan Cayrow, walaalkaas waxa la yiraahdaa Maxamed Ducaale Ciise(Wiish), waana dhammaystirka qoraalkii hore oo walaalaha Muslimiinta lagu tusayo in geeridu xaq tahay laakiin aan guni aqoon(gaalo iyo cawaankeed):

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)


Related Items