Sawirro: Mid Kamida Shaqaalaha Xafiiska R/Wasaaraha Oo Muqdisho Lagu Dilay iyo Weerar Ka Dhacay Ceelasha Biyaha.

Sunday May 20, 2018 - 22:37:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Mid Kamida Shaqaalaha Xafiiska R/Wasaaraha Oo Muqdisho Lagu Dilay iyo Weerar Ka Dhacay Ceelasha Biyaha.

    Magaalada Muqdisho waxaa wali si xowlli ah uga socda dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa wali si xowlli ah uga socda dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya.



Wararka ka imaanaya degmada Hodon ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay caawa Fiidkii xaafadda Taleex ku dileen mid kamida shaqaalaha gaarka ah ee Xafiiska R/wasaare Xasan Cali Kheyre.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay toogteen Aweys Cumar Cabdi oo kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska R/wasaaraha, raggii weerarka fuliyay ayaa si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay.

Dhinaca kale weerar hubeysan ayaa caawa Maqribkii lagu qaaday isku imaatinno ay ciidamo Katirsan DF-ka uga sugnaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.



Dhammaan weerarada ka dhacay gobolka Banaadir iyo Ceelasha Biyaha waxaa mas'uuliyadooda sheegatay Xarakada Al Shabaab sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Aweys Cabdi Cumar xilli uu ka shaqeynayay  xafiiska R/wasaaraha




Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items