Shariif Sakiin Oo Eryay Ibraahim Najax Guddoomiyihii Gobolka Sh/Hoose Guddoomiye Cusubna Magacaabay.

Monday May 21, 2018 - 07:26:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Sakiin Oo Eryay Ibraahim Najax Guddoomiyihii Gobolka Sh/Hoose Guddoomiye Cusubna Magacaabay.

    Shariif Sakiin oo ah Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed ayaa xilkii uu hayay ka xayuubiyay guddoomiyihii maamulka gobolka Sh/hoose ee dhanka DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shariif Sakiin ayaa dabadhilif u ah dowladda Itoobiya
Shariif Sakiin oo ah Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed ayaa xilkii uu hayay ka xayuubiyay guddoomiyihii maamulka gobolka Sh/hoose ee dhanka DF-ka.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Shariif Xasan ee magaalada Baydhabo ayaa lagu xaqiijiyay in shaqada laga eryay Ibraahim Aaden Najax oo ku magacaawnaa guddoomiyaha Sh/Hoose waxaana lagu bedelay Max'med Ibraahim Barre.

Guddoomiyihii hore ayaa loo magacaabay wasiiru dowllaha madaxtooyada maamulka 'Koonfur Galbeed', warka kasoo baxay Shariif Sakiin ayaa lagu sheegay in gobolka Sh/Hoose uu muhiimad gaar ah uleeyahay dhankooda sidaas daraadeed ay isbedel dhanka maamulka ah ku qasbanaadeen.


intii uu xilka hayay Ibraahim Aaden Najax ayuu ku lug lahaaday fadeexado ay kamid yihiin hurinta dagaal beeleedyo iyo isagoo ciidamada shisheeye ku xasuuqay dad shacab ah.

Gobolka Sh/Hoose oo kamid ah gobollada ugu waaweyn dalka Soomaaliya intiisa badan waxaa maamusha Xarakada Shabaabul Mujaahidiin wuxuuna gobolku kamid yahay meelaha sida aadka ah loogu dhiig bixiyay ciidamada Shisheeye gaar ahaan kuwa Uganda iyo Burundi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items