Maamulka 'Puntland' Oo Digniin Ujeediyay Ganacsatada Magaalada Laascaanood.

Tuesday May 22, 2018 - 11:48:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka 'Puntland' Oo Digniin Ujeediyay Ganacsatada Magaalada Laascaanood.

    Xiisada colaadeed ayaa wali ka jira deegaanno katirsan gobolka Sool ee gobollada waqooyi dalka Soomaaliya halkaas oo ay isku hor fadhiyaan maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Somaliland iyo Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore golaha wasiirrada Puntland
Xiisada colaadeed ayaa wali ka jira deegaanno katirsan gobolka Sool ee gobollada waqooyi dalka Soomaaliya halkaas oo ay isku hor fadhiyaan maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Somaliland iyo Puntland.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xooggan ayaa la sheegayaa in ay sameynayaan maamullada Somaliland iyo Puntland, warar laga helay deegaanka Tuka Raq ayaa sheegaya in labada dhinac ay ciidamo hor leh soo geliyeen aagga dagaalka.

Dhinaca kale war kasoo baxay maamulka Puntland ayaa amarro lagu dul dhigay gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha magaalooyinka Garowe iyo Laascaanood.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga difaaca 'Puntland' ayaa lagu sheegay in gaadiidka shidaalka sida aysan geli karin dhanka Laascaanood islamarkaana gaadiidka yaryar ee dadweynaha daabula aysan udhowaan karin halka ay ku suganyihiin ciidamada Maamulka Puntland ee ku dhow Tuka Raq.


Amarradan ada adag ayaa go'doon kusoo rogaya boqolaal kun qof oo kunool magaalada Laascaanood oo cuntada daruuriga ah ka keensada dhanka magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Cabdi Wali Gaas iyo Muuse Biixi ayaa hanjabaadyo hawada isku mariyay waxayna isugu goodiyeen dagaal aan dhammaad laheyn, dagaal bishaan gudaheeda ka dhacay duleedka Laascanood ayaa sababay dhimashada tobanaan ruux oo badankood ahaa dhinacyadii dagaallamay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items