Sawirro: Gurmadkii Ugu Horreeyay oo gaaray Tuulooyin Uu Wabiga Jubba Ku fatahay.

Tuesday May 22, 2018 - 11:57:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Gurmadkii Ugu Horreeyay oo gaaray Tuulooyin Uu Wabiga Jubba Ku fatahay.

    Kadib markii maalmihii ugu dambeeyay loo qaylo dhaaminayay dadka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadda wabiga jubba, waxa shalay gallinkii dambe baxday doontii ugu horreysay oo waday gurmad isugu jiray bariis, sonkor, saliid, bacaha roobka iyo shandaru

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii maalmihii ugu dambeeyay loo qaylo dhaaminayay dadka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadda wabiga jubba, waxa shalay gallinkii dambe baxday doontii ugu horreysay oo waday gurmad isugu jiray bariis, sonkor, saliid, bacaha roobka iyo shandaruwooyinka kaneecada laga xirto.



Gurmadkan ayaa gaaray labo tuulo oo lagu kala magacaabo Aaminay iyo Cawromale, mid ka mid ah galabnimadii ayaa la gaaray oo wax la siiyay, midda kalena wakhti habeen ah ayaa lagu aaday oo habeenimo ayaa wax loo qabiyay, sidaa darteed waxa aanu soo sawirnay waa hal tuulo.

Wariye ka tirsan idaacadda Andalus oo ka mid ahaa dadkii doonta la socday ayaa sheegay in uu aad uga naxay dhibaatada uu soo arkay, wuxu la hadlay dadkii wax loo qaybiyay oo u sheegay in ay ogaadeen in ay leeyihiin dad walaalo muslimiin ah oo u naxaya, sidoo kale waxay sheegeen waxyaabaha ugu darnaa in ay ka mid ahayd maro kaneecada oo ay ka jiifi waayeen qaniinyada kaneecada.



Sida aad sawirrada ku aragtaan raashinka iyo dadkii waday waxa lagu qaadayaa laash gacan ku samays ah oo aad u yar oo iyagu ay u yaqaanaan Buush kadib markii doontii waday raashinka ay gali kari wayday dhulka ciriiriga ah ee la marayo, dadku meelaha ay degenyihiin ee biyuhu aysan wali gaarinna waa dhul aad u kooban oo ballaciisu yahay dhowr mitir.

Dadka ka qayb qaadanaya gurmadka waxa ka mid ah odayaasha dhaqanka, culimada iyo dhammaan cid kasta oo gurman karta, hadda doontan ugu horreysa waxa hogaaminayay suldaanka beesha Jareer wayne suldaan Cabbaas, maadaama isagu deegaanada qaar uu si fiican u yaqaanno.

Gudigu wuxu noo sheegay in ay sii wadi doonaan qaybinta gurmadka oo ay tani tahay bilow kaliya, maalmaha soo socdana ay meelo badan oo kale ay gaarsiin doonaan, in kasta oo tuulooyinku ay aad u badanyihiin masaafadooduna ay kala fogtahay, waxayna kacodsadeen dhammaan muslimiinta in ay kala qayb qaataan. Waxanad kala xiriiri kartaa taleefanka nambarkiisu yahay. +252615447733.























Related Items