Ciidamada Somaliland iyo Puntland Oo Dagaallo Culus Ay Ku Dhaxmarayaan Tukaraq.

Thursday May 24, 2018 - 12:20:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Somaliland iyo Puntland Oo Dagaallo Culus Ay Ku Dhaxmarayaan Tukaraq.

    Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale ku dhaxmarayaan maamullada dabadhilifyada ah ee Puntland iyo Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale ku dhaxmarayaan maamullada dabadhilifyada ah ee Puntland iyo Somaliland.



Dagaallada ayaa saaka aroortii hore dib uga billaawday deegaanka Tuka Raq ee duleedka magaalada Laascaanood halkaas oo dhinacyadu isku hor fadhiyeen bilihii lasoo dhaafay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka dagaallamaya ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, gaadiidka Tiknikada loo yaqaan ayaa dagaalka ka qeyb qaadanaya.

Warsaxaafadeedyo ay soo saareen maamullada Somaliland iyo Puntland ayuu midba midka kale ku eedeynayaa in uu dagaalka billaabay, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dagaalka ka dhashay iyo cidda u hartay deegaannadii lagu dagaallamay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items