Duufaan Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ku Dhufatay Wadanka Yemen.

Thursday May 24, 2018 - 22:02:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duufaan Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ku Dhufatay Wadanka Yemen.

    Tobaneeyo qof ayaa dhimatay tira kalane waa lala'yahay kadib markii Duufaanno xooggan ay ku dhufteen Jaziiradda Socotra ee wadanka Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobaneeyo qof ayaa dhimatay tira kalane waa lala'yahay kadib markii Duufaanno xooggan ay ku dhufteen Jaziiradda Socotra ee wadanka Yemen.

Wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegaya in duufaanta Macono ay cagta marisay tobanaan tuulo oo katirsan Jaziiradda waxayna geysatay khasaara lixaad leh.

Duufaanta oo wadata daadad iyo Dabeyllo ayaa sababtay in ay burburaan dhismayaal muhiim islamarkaana ay go'aan adeegyada war isgaarsiinta.

Xukuumadda Yemen ayaa ku dhawaaqday in Jaziiradda Socotra ay tahay meel dhiban waxayna ugu baaqday dowladaha caalamka in ay gargaar udiraan Jaziiradda.


Goob Joogayaal ayaa sheegay in 60% shacabka Jaziiradda ay ka barakaceen guryahooda ayna maciin bideen dhulka taagga ah si ay uga badbaadaan biyaha Roobka oo meel walba ceegaaga.

17 qof ayaa lala'yahay halka laba markab oo ku xirnaa Jaziiradda Socotra ay quuseen, dekadda iyo Airport-ka jaziiradda ayaa xirmay waxaana laga deyrinayaa xaaladda Kumanaan qoys oo xaalad u eg go'doon ku sugan.

Duufaanta Macono ayaa la sheegay in ay musiibo sababtay, tuulada Badahoola ee Jaziiradda Socotra ayaa la xaqiijiyay in gabi ahaanteedba ay latageen biyaha roobabka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items