Ciidamada Al Shabaab Oo Muddo 5 Saacadood Ah Maamulayay Deegaan Hoos Yimaad Degmada Mandheera.

Saturday May 26, 2018 - 06:24:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo Muddo 5 Saacadood Ah Maamulayay Deegaan Hoos Yimaad Degmada Mandheera.

    Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay markale howlgal ka fuliyeen gobolka Soomaalida NFD ee Kenya gummeysato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay markale howlgal ka fuliyeen gobolka Soomaalida NFD ee Kenya gummeysato.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa habeenkii jimcaha waxay gudaha ugaleen deegaanka Xumur Xeylle oo ku dhow magaalada Mandheera ee Xuduud beenaadka saaran.



Sida ay sheegeen dadka deegaanka ciidamada Al Shabaab ayaa muddo 5 saacadood xiriir ah maamulayay deegaanka waxayna la wareegeen dhammaan xarumaha maamulka.


Ciidamo katirsan Booliska Kenya ayaa isaga cararay deegaanka Xumur Xeylle kadib markii ay ka war heleen dhaq dhaqaaqa Mujaahidiinta, sarkaal katirsan maamulka gobolka 'Waqooyi Bari' ayaa warbaahinta Kenya u xaqiijiyay in saraakiil katirsan ciidamada Al Shabaab ay shacabka ugu muxaadareeyeen masjid jaamaca deegaanka.

"Masjidka ayay soo galeen waxayna nagu armeen in aan dhageysanno muxaadarooyin ay jeedinayeen rag aad uhubeysan oo Al Shabaab katirsan" sidaas waxaa yiri mid kamida dadka deegaanka Xumur.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Al Shabaab ay baaritaan ka sameeyeen hoyga guddoomiya deegaanka balse sooma helin oo goorsii horraysay ayuu u cararay dhanka magaalada Mandheera.

Deegaanka Xumur ayaa u dhaxeeya magaalooyinka Alcarabiya iyo Mandheera, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin Al Shabaab oo ku saabsan qabsashada ciidamadeeda ee deegaana Xumur.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items