Xasan Cali Kheyre iyo Gacan Yaraha Farmaajo Oo Addis Ababa looga Yeeray.

Saturday May 26, 2018 - 06:39:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Cali Kheyre iyo Gacan Yaraha Farmaajo Oo Addis Ababa looga Yeeray.

    Mas'uuliyiin sarsare oo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya kadib amar uga yimid madaxda Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Hore Kheyre oo Addis Ababa booqday
Mas'uuliyiin sarsare oo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya kadib amar uga yimid madaxda Itoobiya.

Wasiirka qorsheynta iyo Fahad Yaasiin oo ay isku dhowyihiin  Farmaajo ayaa sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay socdaal qorsoodi ah ku joogay magaalada Addis Ababa kadibna Xasan Cali Kheyre ayaa xalay gaaray Itoobiya.



Ilo wareedyo ayaa sheegay in R/wasaaraha Itoobiya uu uyeeray Xasan Cali Kheyre iyo wakiillo ka socday Farmaajo waxaana socda kulamo ay madaxda Itoobiya layeelanayaan saraakiisha ay u yeertay.

Dowladda Itoobiya oo ciidamadeedu ay gummeystaan dhul ballaaran oo dhaca Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa galaangal siyaasadeed ku leh Hoggaanka DF-ka iyo maamul goboleedyada.

Abeey Axmed R/wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa markii uu xilka qabtay Addis Ababa ku qaabilay Hoggaamiyaal katirsan maamullada dabadhilifyada ah ee Soomaaliya ka jira sida Axmed Madoobe,Fahad Yaasiin,wasiirka arrimaha dibadda iyo Xasan Cali Kheyre.

Hoggaanka DF-ka ayaa sanaddii 2017 waxay Itoobiya ka iibsadeen Cabdi Kariim Qalbi dhagax oo kamid ahaa saraakiisha Jabhadda ONLF ee ka dagaallanta dhulka Soomaaligalbeed.

Dhammaan R/wasaarayaashii iyo madaxweynayaashii soo maray Dowladda Federaalka ayaa caan ku ah dabadhilifnimada ay uyihiin Xabashida Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items