Booliska Mareykanka Oo Maxaabiis Muslimiin Ah Ku Qasbay in Ay Cunaan Hilibka Doofaarka.

Saturday May 26, 2018 - 11:21:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Booliska Mareykanka Oo Maxaabiis Muslimiin Ah Ku Qasbay in Ay Cunaan Hilibka Doofaarka.

    Dhowr qof oo Muslimiin ah oo ku xiran xabsi ku yaalla Gobolka Alaska ee wadanka Maraykanka ayaa loo diiday in wax raashin ah la siiyo xilliga afurka haddii aysan cunaynin hilibka Doofaarka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhowr qof oo Muslimiin ah oo ku xiran xabsi ku yaalla Gobolka Alaska ee wadanka Maraykanka ayaa loo diiday in wax raashin ah la siiyo xilliga afurka haddii aysan cunaynin hilibka Doofaarka.


Saraakiisha Americanka ee mas'uulka ka ah xabsiga ayaa kala dooransiiyay dadkaas Muslimiinta ah ee ku xiran xabsiga in ay gaajo u dhintaan ama ay cunaan hilibka Khanziirka.

Hay’adaha u dooda xuquuqda Muslimiinta ee Wadanka Maraykanka oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in Maxaabiista Muslimiinta ah ay ka biyadiideen amarrada kasoo baxay saraakiisha xabsiga.

Maxaabiista Muslimiinta ah ayaa arintaan ku tilmaamay mid lagu dullaysanayo Diintooda, gaar ahaan iyadoo lagu jiro Bisha Barakeysan Ee Ramadaan, waxayna sheegeen inay gaajo ka doorbidayaan intii ay cuni lahaayeen hilibka doofaarka ee lagu qabsayo.



Ma ahan markii ugu horeysay ee ay Saraakiisha American-ka ah ee xabsiyada dalka Maraykanka ku ciqaabo dadka Muslimiinta ah ay sidaan oo kale cuntooyin iyo cabitaanno xaaraan ku ah Diinta Islaamka ay ku qasbaan dadka Muslimiinta ah ee ay xasbiyada ku haystaan, iyagoo u diidayana wax cunto ama cabitaanah marka laga reebo cuntada iyo cabitaanka Xaaraanta ah,sida Khamrada iyo hilibka Doofaarka.

Masuuliyiinta Dowladda  Maraykanka ayaa sii dardar geliyay xadgudubyada ay kula kacayaan dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan wadanka Maraykanka tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madaxweynaha ay ku gaamurtay colaada Islaamka ee Donald Trump.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items