Xaaf Oo Sheegay in Magaalada Cadaado Aysan Aheyn Caasimadda Maamulka 'Galmudug" Eedeyn Kululna Jeediyay.

Sunday May 27, 2018 - 11:59:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaf Oo Sheegay in Magaalada Cadaado Aysan Aheyn Caasimadda Maamulka 'Galmudug" Eedeyn Kululna Jeediyay.

    Waxaa sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya hoggaanka maamulka dabadhilifka Galmudug isku magacaabay ee kajira deegaanno katirsan gobollada Galguduud iyo Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya hoggaanka maamulka dabadhilifka Galmudug isku magacaabay ee kajira deegaanno katirsan gobollada Galguduud iyo Mudug.


Mas'uuliyiinta ugu sarraysa Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaagay hawada isku mariyay eedeymo kulul, Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku magacaaban madaxweynaha 'Galmudug' ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Dhuusamareeb wuxuu ku sheegay in magaalada Cadaado lagasoo abaabulayo khilaaf sida uu hadalka u dhigay.


"Meesha aad madax ka tihiin waa Galmudug, Galmudug Caasimadeeda waa Dhuusamareeb, halkaan ayuu Baarlamaanka iyo Wasiirada joogaan, wixii aad tabataan halkan ku soo bandhiga”ayuu yiri Xaaf.



Wuxuu sheegay in magaalada Dhuusamareeb ay tahay caasimadda maamulka 'Galmudug' islamarkaana aysan suurtagal aheyn in Cadaado ay ku shiraan xildhibaannada Baarlamaanka maamulka.


Max'med Xaashi Carrabeey oo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ku magacaabay iyo guddoomiyaha baarlamaanka wadankaasi ayaa magaalada Cadaado iga dhawaaqay in waxba kama jiraan uu yahay heshiiskii lalagalay kooxda suufida ee maamula magaalada Dhuusamareeb.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items