Ruushka Oo 4 Askari looga Dilay Weerar Ka Dhacay Bariga Dalka Suuriya.

Sunday May 27, 2018 - 12:14:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka Oo 4 Askari looga Dilay Weerar Ka Dhacay Bariga Dalka Suuriya.

    Khasaara xooggan ayaa ciidamada dowladda Ruushka kasoo gaaray weerar lagula beegsaday Bariga wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ciidamada dowladda Ruushka kasoo gaaray weerar lagula beegsaday Bariga wadanka Suuriya.

War kasoo baxay wasaaradda Difaaca dowladda Ruushka ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 4 sarkaal looga dilay weerar kedis ah oo xoogag hubeysan ay ku qaadeen kolonyo melleteri oo ku socdaalaysay gobolka Deyruzuur.


Wariyaasha soo tabiya dagaalka wadanka Suuriya ayaa sheegay in dagaallo culus ay shalay ka dhaceen galbeedka degmada Almayaadiin waxaana weerarkaas lala helay kolonyo ciidamo Ruush ah iyo maleeshiyaadka Nidaamka Bishaar Al-asad.



Xoogaga dowladda islaamiga ah ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan, dowladda Ruushka waxay sheegtay in ciidamadeedu ay ladagaallameen 43 dagaalyahan oo aad u hubeysan.


Dhimashada Afarta Askari ee Russian-ka ah ayaa imaanaysa xilli xukuumadda Moscow ay xulufadeeda Suuriya ugu baaqday in ay isku diyaariyaan bixitaan aan dhammeystirneyn.


Dowladda Ruushka ayaa duullaan gardarra ah ku qaaday wadanka Suuriya sanaddii 2015 waxayna ciidamadeedu geysteen xasuuq aan kala sooc laheyn oo ka dhan ah shacabka muslimiinta sunniga ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items