Farmaajo Oo Eryay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare iyo Baashe Yuusuf oo Xil Ka Qabtay DF-ka.

Sunday May 27, 2018 - 19:24:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Eryay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare iyo Baashe Yuusuf oo Xil Ka Qabtay DF-ka.

    War kasoo baxay xafiiska Max'med Cabdullaahi Farmaajo hoggaamiyaha Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in shaqada laga Eryay guddoomiyihii maxkamadda sare waxaana loo magacaabay guddoomiye cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay xafiiska Max'med Cabdullaahi Farmaajo hoggaamiyaha Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in shaqada laga Eryay guddoomiyihii maxkamadda sare waxaana loo magacaabay guddoomiye cusub.

Ibraahim Iidle Suleymaan oo ku magacaawnaa guddoomiyaha maxkamadda ayaa la eryay waxaana lagu bedelay siyaasi kale oo in muddo ah katirsanaa maamulka isku magacaabay Somaliland.

"Aniga oo ka jawaabaya ballan qaadkeygii ahaa in la helo nidaam garsoor oo ku dhisan hufnaan iyo caddaalad, waxaan maanta xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka u magacaabay Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajeynayaa inuu kasoo dhalaalo hawlaha loo igmadayā€¯ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Farmaajo.


Guddoomiyaha cusub ee la magacaabay Baashe Yuusuf  ayaa sanaddii lasoo dhaafay noqday agaasimaha Fulinta Xisbiga Waddani ee Cabdi Raxmaan Cirro madaxda ka yahay.

Shaqa ka Eryidda Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa timid kadib khilaaf muddo bila ah soo jiitamayay oo u dhaxeeyay xeer ilaaliyaha guud ee DF-ka iyo waaxaha garsoorka DF-ka.

Cadaalad darro iyo musuq maasuq baahsan ayaa ka jira maxkamadaha Dowladda Farmaajo laaluushka iyo eexda ayaana ah shaqada ugu horraysa ee ay ku dhaqaaqaan waaxaha garsoorka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items