Qarax iyo Weerar Mantaanno Ah Oo Ciidamada AMISOM Lagula Eegtay Duleedka Degmada Buula Mareer.

Monday May 28, 2018 - 12:03:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax iyo Weerar Mantaanno Ah Oo Ciidamada AMISOM Lagula Eegtay Duleedka Degmada Buula Mareer.

    Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa markale weerar ku qaaday ciidamada shisheeyaha AMISOM ee duullaanka ku jooga deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaari AMISOM laga gubay
Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa markale weerar ku qaaday ciidamada shisheeyaha AMISOM ee duullaanka ku jooga deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose.


Wararka ka imaanaya deegaanka Golweyn ayaa sheegaya in qaraxyo iyo weeraro ay ciidamada AMISOM ku qabsadeen wadada xiriirisa deegaanka Buula Mareer.

Dagaal muddo daqiiqada ah socday  ayaa la sheegay in ciidamada Xarakada Al Shabaab iyo kuwa shisheeyaha AMISOM uuku dhaxmaray  wadada laamiga ah ee xiriirisa degmada Buula Mareer iyo Golweyn.


Qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa la xaqiijiyay in lagu gubay mid kamida  gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Uganda balse qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Weeraradan ayaa ciidamada shisheeye qabsaday xilli ay isku dayayeen in ay sahay udaabulaan dhanka degmada Buula Mareer, khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lasoo sheegayaa in ay ka dhasheen qaraxa iyo weerarka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items