23 Qof Oo Ku Dhintay Dhul Go' Ka Dhacay Wadanka Itoobiya.

Monday May 28, 2018 - 16:36:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    23 Qof Oo Ku Dhintay Dhul Go' Ka Dhacay Wadanka Itoobiya.

    Wararka ka imaanaya gobolka Oromadu degto ee Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan 23 qofood ay ku dhinteen dhul soo dumay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Oromadu degto ee Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan 23 qofood ay ku dhinteen dhul soo dumay.


Warbaahinta ku hadasha afka dowlada Itoobiya ayaa sheegeysa in dhacdada dhulkan dumay oo dhacay maalintii sabtida ee aanu soo dhaafnay uu ka dhashay roobab xoog leh oo saacado badan ka da'ayay deegaanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in 16 kamid ah dadka dhintay ay yihiin haween, halka 6 kale loola cararay goobaha caafimaadka iyagoo qaba dhaawacyo culus.

Wadanka Itoobiya ayaa inta badan laga soo sheegaa dhacdooyinka la xiriira dhulalka soo duma kuwaas oo ay sababaan roobabka xooggan ee wadankaas ka da'a.


Laba sano kahor ayay ahayd markii 50 qofood ay sidaan oo kale ku dhinteen dhulal soo dumay iyo fatahaado ka dhacay isla gobolkaasi.

Gobollada ay dadka Muslimiinta deganyihiin sida Oromada ayaa ugu badan halka ay musiibooyinku ka dhacaan maadaama ay yihiin dhulal la baylahay oo aanan lahayn wax kaabayaal ah oo ay dadku iskaga moosaan xilliyada roobabka iyadoo dhibaatooyin noocaan oo kale ah aanan inta badan laga soo calaamadaynin gobollada qawmiyadaha Kirishtaanka ah  degaan sida Tigreega iyo Amxaarada.

Related Items