Mid Kamida Howlwadeennada Baarlamaanka DF-ka Oo Muqdisho Lagu Dilay.

Monday May 28, 2018 - 17:00:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Howlwadeennada Baarlamaanka DF-ka Oo Muqdisho Lagu Dilay.

    Xoogag hubeysan ayaa maanta gelinkii dambe sarkaal katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ku dilay bartamaha magaalada Muqdisho xilli ammaanka caasimadda uu faraha kasii baxayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa maanta gelinkii dambe sarkaal katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ku dilay bartamaha magaalada Muqdisho xilli ammaanka caasimadda uu faraha kasii baxayo.

Wararka ka imaanaya degmada Waaberi ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysan ay dileen sarkaal katirsanaa howl-wadeennada Baarlamaanka DF-ka.


Dilka ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee Hotel Kuwait Place oo ku yaalla Waddada Makka Al-Mukarramah dhanka degmada Waaberi, goob joogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay dileen Cumar Dalxa Muudeey oo kamid ahaa shaqaalaha Baarlamaanka.



Sarkaalka ayaa markii hore dhaawacmay waxaana loola cararay isbitaalka halkaas oo uu markii dambe ku dhintay, raggii dilka geystay ayaa si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay.


Tan iyo bilashadii Bisha Ramadaan ayay dilalku kusii kordhayeen 16-ka degmo ee gobolka Banaadir degmada Waaberi ayaa kamid ah meelaha ugu badan oo ay dilalka ka dhanka ah saraakiisha dowladda ka dhacaan.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items