Al Shabaab Oo Weerartay Saldhigyo Melleteri Oo Kuyaal Gobollada Gedo iyo Sh/Hoose.

Tuesday May 29, 2018 - 10:49:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerartay Saldhigyo Melleteri Oo Kuyaal Gobollada Gedo iyo Sh/Hoose.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday saldhig melleteri oo kuyaal magaalada Garbahaarey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday saldhig melleteri oo kuyaal magaalada Garbahaarey.

Xalay fiidkii ayay ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab waxay weerar xooggan ku qaadeen saldhig ay maleeshiyaadka DF-ka ee Itoobiya soo tababartay ku leeyihiin gudaha Garbahaarey.


Dagaal muddo ku dhow hal saac socday ayaa magaalada Garbahaarey ka dhacay, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas lays dhaafsanayay.



War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in ciidamadeedu ay la wareegeen saldhig melleteri oo Garbahaarey kuyaal islamarkaana khasaara dhimasho iyo dhaawac ah gaarsiisay maleeshiyaad ay ku tilmaamtay 'Murtadiin'.


Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in weeraro culus lagu qaaday saldhigyada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degmada Buula Mareer iyo deegaanka Ambareeso ee dhaca duleedka Baraawe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items