Sarkaal Katirsanaa Ciidamada ilaalada Waddooyinka oo Lagu Dilay Degmada Shibis.

Tuesday May 29, 2018 - 10:53:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Ciidamada ilaalada Waddooyinka oo Lagu Dilay Degmada Shibis.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorshaysan oo saacadihii lasoo dhaafay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorshaysan oo saacadihii lasoo dhaafay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

Xalay fiidkii ayay xoogag hubeysan waxay isgoyska Maanabooliyo ee degmada Shibis ku dileen sarkaal katirsanaa ciidamada ilaalada waddooyinka dowladda Federaalka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay dilka geysteen kadibna ay goobta isaga dhaqaaqeen sidoo kale waxaa weerarka Maanabooliyo ku dhaawacmay askari kale.

Dhinaca kale illaa iyo laba qof ayaa la sheegay in saaka aroortii hore lagu dilay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynleey, shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii mas'uul katirsan howlwadeennada Baarlamaanka lagu dilay degmada Waaberi.


inta lahubo dadka Muqdisho lagu dilay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa gaaraya illaa 4 qof, tan iyo bilashada Bisha Ramadaan ayey dilalku kusii kordhayaan xaafadaha magaalada muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items