Tahriibayaal Dad Soomaali ah ay Ku Jiraan oo Lagu Dilay Wadanka Liibiya.

Tuesday May 29, 2018 - 11:34:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tahriibayaal Dad Soomaali ah ay Ku Jiraan oo Lagu Dilay Wadanka Liibiya.

    Wararka ka imaanayo wadanka Liibiya ayaa sheegaya in tiro dhalin yaro tahriibayaal ah lagu dilay meel ku dhow Magaalada Bani Walid ee dhacda Woqooyi Galbeed Wadanka Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanayo wadanka Liibiya ayaa sheegaya in tiro dhalin yaro tahriibayaal ah lagu dilay meel ku dhow Magaalada Bani Walid ee dhacda Woqooyi Galbeed Wadanka Liibiya.


Inta la xaqiijiyey 15 qof oo tahriibayaal ahaa ayaa geeriyooday, ku dhawaad 30-kalena way dhaawacmeen kadib markii ay rasaas ku fureen kooxaha wax tahriibaya ee loo yaqaano Magafayaasha, xilli dadkani ay isku dayayeen in ay ka baxsadaan goob ay ku xirnaayeen oo wadankaasi ku taala.

Wararka ayaa sheegaya in dadka la rasaaseeyey tiro ahaan ay gaarayeen illaa boqol qof oo kasoo kala jeeda wadamada dhaca qaarada Africa, haba ugu badnaadaane Somalia, Eritrea, iyo Ethiopia.



Dhakhaatiirta Caafimaadka Isbitaalka Magaalada Bani Walid ayaa sheegay in isbitaalka lasoo gaarsiiyay illaa 25 qof oo 7 kamid ah xaaladooda caafimad ay  tahay mid adag ayna jirkooda ku taalo rasaas fara badan.

Inta badan dadkii ku jiray goobta xabsiga ah ayay u suurta gashay in ay ka baxsadaan,balse Tobanaan qof ayaa ku haray gacanta kooxaha ku caan baxay arxan darada ee loo yaqaane Magafe, kuwaas oo waayadan danbe bilaabay in ay dadka adoonsadaan kadibna ku iibiyaan suuqyo ay u sameysteen.

Dadka intooda baxsatay ayaa gudaha u galay magaalada Bani Waliid waxaa ayna galeen Masjid weyn oo halkaasi ku yaala, iyagoo ka dalbaday caawinaad, waxaana lagusoo waramaya in dadka deegaanka ay u gurmadeen.

Magaalada Bani Waliid oo dhacda woqooyi galbeed wadanka Liibiya, ayaa 170-Km u jirta magaalada caasimada ah ee Jarabulis waxa ayna marin muhiim ah u tahay dadka tahriibayaasha ah ee doonaya inay gaaraan Wadanka Talyaaniga iyagoo ka gudbaya Bada Mediterranean-ka, oo ay ku baaba'een kumanaan dhalin yaro ah oo kasoo jeeda wadamada Africa.

14,Bishi February, sanada 2018  ayay ahayd Markii 31 qof oo tahriibayaal ahaa ay ku dhinteen gudaha magaalada Bani Waliid kadib markii uu la rogmaday gaari xamuul ah oo ay ku saarnaayeen ku dhawaad 300 qof kuwaas oo tobanaan kamid ahna dhaawacyo ay soo gaareen.

Related Items