Xabad Joojin looga Dhawaaqay Marinka Ghaza Dhulka Filasdiin.

Wednesday May 30, 2018 - 05:56:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabad Joojin looga Dhawaaqay Marinka Ghaza Dhulka Filasdiin.

    Kadib 48 saacadood oo duqeymo ba'an laysku dhaafsanayay Marinka Ghaza ee dulalka Filasdiin ayaa lagu dhawaaqay Xabad joojin rasmi ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib 48 saacadood oo duqeymo ba'an laysku dhaafsanayay Marinka Ghaza ee dulalka Filasdiin ayaa lagu dhawaaqay Xabad joojin rasmi ah.

Kooxaha muqaawamada Filasdiiniyiinta ayaa warbaahinta u sheegay in Xabad joojin ay lagaleen maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda si looga fogaado in duqeymuhu isku bedelaan dagaal furan.

Khaliil Alxayah oo u hadlay Kooxda Xamaas ayaa warbaahinta u sheegay in dhax dhaxaadin ay sameysay dowladda Masar ay ku ogolaadeen in ay xabadda ka joojiyaan Yahuudda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiil ka socday sirdoonka Masar ay gudaha ugaleen magaalada Ghaza ayna lakulmeen hoggaamiyaasha ugu sarraysa kooxaha muqaawamada ugu dambeyntiina ay ku guuleysteen in ay xabad joojin ka saxiixaan Kooxda Islamic Jihaad.


Mas'uuliyiinta kooxaha Muqaawamada waxay sheegeen in ay u hoggaansamayaan heshiiskii isfahamka ahaa ee dhacay sanaddii 2014 kaas oo dhigayay in laga fogaado dagaal hor leh oo Ghaza ka dhaca.

Afhayeen u hadlay maamulka Yahuudda ayaa diiday in uu faah faahin ka bixiyo heshiiskan xabad joojinta ah, kooxda Islamic Jihaad ayaa 20 madfac ku weerartay magaalooyinka dadka Yahuudda lagu deegaameeyay kadibna cadawga ayaa diyaaradu ku rusheeyay magaalada Ghaza.

Dowladda Mareykanka oo isbaheysi la ah Yahuudda ayaa ku baaqday in Q.Midoobe ay kulan degdeg ah ka yeelato madaafiicda lagu weeraray Yahuudda iyo dagaalka Ghaza.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items