Mid Kamida Odayaashii Soo Xulay Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Lagu Dilay Duleedka Degmada Garbahaarey.

Wednesday May 30, 2018 - 11:29:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Odayaashii Soo Xulay Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Lagu Dilay Duleedka Degmada Garbahaarey.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar hubeysan lagu dilay mid kamida Odayaashii soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar hubeysan lagu dilay mid kamida Odayaashii soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka DF-ka.

Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday deegaanka Daableey oo qiyaastii 40KM ujira magaalada Garbahaarey ee xarunta Gedo halkaas oo uu ku dhuumanayay Oday dhaqameedka katirsan Dowladda Federaalka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Al Shabaab ay gurigiisa kala baxeen Xasan Codey Julaas oo kamid ahaa odayaashii soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka DF-ka kadibna ay dileen.

Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha ayaa xaqiijisay in xoogaga Al Shabaab ay howlgal gaar ah ku dileen Xasan Codeey xilli uu ku dhuumanayay tuulo ku dhow degmada Garbahaarey, odaya dhaqameedka ladilay ayaa kamid ahaa odayaashii soo xulay xildhibaanada lagasoo doortay dhanka maamulka isku magacaabay 'Jubbaland'.


Dilalka ka dhanka ah Odayaashii ka qeyb qaatay fadhiyadii lagusoo xulayay Xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Federaalka ee ka dhacay gobollada dalka ayaa beegsi joogta ah kala kulmaya Al Shabaab oo ka aaminsan kuwa gaaloobay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items