Carrabeey "Galmudug Muslim iyo Gaal ayay Usimantahay Al Shabaabna Argagaxiso Ayaan ka Aaminsannahay" Video.

Wednesday May 30, 2018 - 17:15:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Carrabeey "Galmudug Muslim iyo Gaal ayay Usimantahay Al Shabaabna Argagaxiso Ayaan ka Aaminsannahay" Video.

    Xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya Hoggaanka maamulka isku magacaabay ayuu mas'uul katirsan maamulkaas jeediyay hadal dad badan ka yaabiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya Hoggaanka maamulka isku magacaabay ayuu mas'uul katirsan maamulkaas jeediyay hadal dad badan ka yaabiyay.

Max'med Xaashi Carrabeey oo ku magacaaban madaxweyne ku xigeenka 'Galmudug' ayaa sheegay in Dastuurka u degsan maamulkiisa uu xuquuq siinayo shacab uu ku sheegay in ay gaalo iyo muslimiin leeyihiin.

Vide lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Max'med Xaashi oo ku hadaaqaya in shacabka ku nool Mudug iyo Galguduud ay leeyihiin muslimiin iyo Gaalo arrinkaas oo dad badan ka yaabiyay.

"Dastuurkaan Ninka gaalka ah iyo Ninka muslimka ah oo qabaa'illada Galmudug kasoo jeedo xaq ayuu ku leeyahay xaqiisa in uu ka helo waaye, waa in saxa loo fiiriyo darsuurka shalay markii la qoraayane sidaas ayuu ahaa" ayuu yiri Max'med Xaashi.


Wuxuu ku dheeraaday ka hadalka waxa uu ku saleysanyahay dastuurka maamulka Galmudug oo sheegay in xaq siinayo gaalo iyo muslim, mar uu soo hadal qaaday dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab ayuu sheegay in ay ka aaminsanyihiin Urur Argagaxiso.

Halkan ka degso Hadalka Max'med Xaashi ama Hoos Ka Daawo


Related Items