Warar Sheegaya in Farmaajo Uu Dowladda Kenya Usaxiixayo Heshiis Mugdi Gelinaya Badda iyo Barriga Soomaaliya.

Thursday May 31, 2018 - 10:41:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar Sheegaya in Farmaajo Uu Dowladda Kenya Usaxiixayo Heshiis Mugdi Gelinaya Badda iyo Barriga Soomaaliya.

    Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa socdaal shaki badan dhaliyay ku maraya magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa socdaal shaki badan dhaliyay ku maraya magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Wafdiga uu hoggaaminayo Farmaajo ayaa kulamo laqaatay Uhuru Kenyatta madaxweynaha Kenya iyo saraakiisha ugu sarraysa sirdoonka wadanka Kenya.

Shaki badan ayaa laga muujinayaa waxa uu salka ku hayo socdaalka Farmaajo, saxafiyiin iyo aqoonyahanno ayaa muujiyay walaacooda ku aadan in hoggaamiyaha DF-ka uu gacan bidixeeyo dacwaddii Badda ee ka dhanka aheyd Kenya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Uhuru Kenyatta uu Farmaajo ku cadaadinayo saxiixidda heshiis ugogol xaaraya in Soomaaliya ay ka laabato dacwadda Badda ee ka furan wadanka Holland.


Soomaali badan ayaa baraha Bulshada ku faafisay walaacooda ku aaddan in Farmaajo uu heshiisyo hor leh usaxiixo gummeystaha Kenya, waxaa xusid mudan in booqashada hoggaamiyaha dowladda Federaalka uu imaanayo xilli dowladda Kenya ay dhul boob ka waddo xuduud beenaadka gaar ahaan degmada Beled Xaawo oo ay ka dhisayso darbi weyn oo lagu kala irdheynayo shacabka Soomaaliyeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items