Xildhibaan Walaac Ka Muujiyay Dilalka Qorsheysan Ee Saraakiisha Dowladda loogu Geysanayo Muqdisho.

Thursday May 31, 2018 - 11:38:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Walaac Ka Muujiyay Dilalka Qorsheysan Ee Saraakiisha Dowladda loogu Geysanayo Muqdisho.

    Xilli ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayay xildhibaanno katirsan Dowladda Federaalka waxay walaac ka muujinayaan xaaladooda Nabad gelyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayay xildhibaanno katirsan Dowladda Federaalka waxay walaac ka muujinayaan xaaladooda Nabad gelyo.



Xildhibaan Max'med Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaannada ugu caansan dowlada Federaalka ayaa sheegay in dilal aan kala joogsi laheyn ay ka socdaan degmooyinka gobolka Banaadir islamarkaana tallaabadaas halis ku tahay mas'uuliyiinta DF-ka.

Wuxuu sheegay in ay fashilmeen dhammaan isku dayadii ay xukuumadda Xasan Cali Kheyre ku doonaysay in ay ku sugto ammaanka magaalada Muqdisho sababtuna ay tahay shacabka gobolka Banaadir oo aan ku kalsooneyn saraakiisha ammaanka.



"Waxaa nasiib daro ah in iyada oo magaalada ay ka hawlgalayaan ciidan isku dhaf ah in weli dilal loo geysto dadka rayidka ah, aniga waxaan dhihi lahaa hadii aanan shacabka iyo dowladdu aysan ada shaqeyn ka dhaxeyn wax awalba fashil ayay ku dhamaanayaan, anniga waxyaabo badan ayaa ii muuqda, waxaa aad u adag in kalsooni ay dhexmarto shacabka iyo dowladda” Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa oo u aramay idaacadda codka Mareykanka.

Tan iyo bilashadii bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay askar iyo saraakiil katirsanaa Dowladda Federaalka waxaana mas'uuliyadda dilalkan sheegtay Xarakada Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items