Hoggaamiye Ay Taageerto Dowladda Imaaraatka Carabta Oo Lagu Dilay Koonfurta Yemen.

Thursday May 31, 2018 - 12:05:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiye Ay Taageerto Dowladda Imaaraatka Carabta Oo Lagu Dilay Koonfurta Yemen.

    Rag hubeysan ayaa wadanka Yemen ku dilay hoggaamiye sare oo katirsanaa ciidamada dowladda Imaaraatka Carabta tababartay ee qaabka ashahadda ladirirnimo uga howlgala wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan ayaa wadanka Yemen ku dilay hoggaamiye sare oo katirsanaa ciidamada dowladda Imaaraatka Carabta tababartay ee qaabka ashahadda ladirirnimo uga howlgala wadankaasi.

Wararka ka imaanaya gobolka Abyen ee Koonfurta Yemen dhaca ayaa sheegaya in rag hubeysan ay bartamaha magaalada Zunjibaar ku toogteen Jeneraal Huud Saalix Almaarimiyi oo ahaa taliyihii ugu sarreeyay ciidamada Al-Xizaamul amni oo qaab argagaxiso ladirir u howlgala Koonfurta Yemen.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalyahan wajiga soo duubtay oo watay mooto dhug dhugleey ah uu dilka ka geystay goob suuq ah kadibna uu si nabad gelya ah goobta uga baxsaday.


Ururka Al Qaacidda ee Jaziiradda Carabta ayaa sheegtay mas'uuliyadda dilka sarkaalkan oo kamid ahaa tiirarka ciidamada dowladda Imaaraatka Carabta ee xoogga ku qabsaday dhulalka muslimiinta sunniga Yemen iyagoo wakiil ka ah Mareykanka.

Jeneraal Huud ayaa sedax bilood ka hor xilkan loo magacaabay waxaana lagu bedelay Korneel Maxamed Al Cowbaan, maleeshiyaadka Al Xizaamul amni ayaa caan ku ah raafidda dadka rayidka ah iyagoona u dhaadhiciya xabsiyo qarsoodi ah oo dowladda imaaraatka ay ka hirgelisay Koonfurta Yemen.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items