Wariye Russian Ah Oo Geeridiisa la Shaaciyay Maalin Kadibna isagoo nool la arkay!.

Thursday May 31, 2018 - 17:30:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Russian Ah Oo Geeridiisa la Shaaciyay Maalin Kadibna isagoo nool la arkay!.

    Dowladda Ukraine ayaa soo bandhigtay saxafi udhashay wadanka Ruushka oo maalin ka hor ay sheegtay in lagu dhax dilay magaalada caasimadda ah ee Kiev.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Ukraine ayaa soo bandhigtay saxafi udhashay wadanka Ruushka oo maalin ka hor ay sheegtay in lagu dhax dilay magaalada caasimadda ah ee Kiev.

Taliyaha sirdoonka Ukraine ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay kusoo bandhigay wariye Arkadi Babchenko oo kasoo cararay wadanka Ruushka islamarkaana ay ku daba jireen sirdoonka Moscow.

Maalintii talaadada ayey booliska Ukraine soo bandhigeen muuqaalka wariye Arkadi Babchenko oo loo ekeysiiyay Meyd islamarkaan dhiig ka qubanayay madaxiisa waxaana faafay warka ah in jawaasiis u shaqeynayay Russia ay dileen wariyaha.

Amniga Ukraine ayaa shalay meel fagaare ah kusoo bandhigay wariyihii maalin ka hor ay sheegeen in ladilay, "waad arkeysaan wariye Arkadi Babchenko waa noolyahay warkii aan faafinay ee sheegayay in ladilay wuxuu ahaa xeelad aan ku dooneynay in ay ku baajinno fal uu sirdoonka Ruushka ku dili lahaa wariyaha waxaana gacanta ku dhignay kooxihii ku daba jiray ee dilka u qorsheynayay Arkadi Babchenko" ayuu yiri taliyaha ammaanka Ukraine.


Dhacdadan ayaa ka yaabisay malaayiin qof oo Russian ah oo ay kamid ahaayeen ehelka wariyaha, isagoo warbaahinta lahadlayay ayuu sheegay in uu ka xunyahay in uu jilay filim uu isaga dhigayay in ladilay balse dantu ay ku khasabtay si uu u badbaadiyo Noloshiisa.

Sirdoonka dowladda Ruushka ayaa dabagal ku hayay saxafigan oo si aad ah ugasoo horjeedo nidaamka Moscow.

Arkadi Babchenko ayaa warbixinno dhowr ah ka qoray duullaanka dowladda Ruushka ee Suuriya wuxuuna duullaankaasi ku sifeeyay xasuuq aan loo meel dayin oo lamid ah guummaadkii melleteriga ruushka ka geysteen magaalada Garozni ee dalka shiishaan.

"Ciidanka wadankeyga xasuuq ayuu ku hayaa shacabka Suuriya boqolaal qof oo shacab rayid ah ayaa lagu dilay duqeymaha magaalada Xalab" ayuu bartiisa Twitterka ku qoray saxafigan mucaaradka ah sanaddii 2016.

Putin madaxweynaha Ruushka ayaa amar ku bixiyay in Arkadi Babchenko lagala laabto dhalashada ruushka wixii xilligaa ka dambeeyay waxaa isisoo tarayay baaqyada ah in laga takhaluso illaa markii dambe uu dibada ubaxsaday.

Related Items