Video+Sawirro: Alkata'ib Oo Filim Cusub Kusoo Bandhigtay Howlgallada Dilalka Ah Ee Muqdisho iyo Gobolka Sh/Hoose.

Friday June 01, 2018 - 17:56:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 20844
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 6 2
  • Share via Social Media

    Video+Sawirro: Alkata'ib Oo Filim Cusub Kusoo Bandhigtay Howlgallada Dilalka Ah Ee Muqdisho iyo Gobolka Sh/Hoose.

    Mu'asasada Alkataa'ib garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay baahisay filim cajiib ah oo ay ku soo bandhigeyso weerarada dilalka qorsheysan ah iyo qaraxyada ee ciidamadooda gaarka ah ee amniga ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada Alkataa'ib garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay baahisay filim cajiib ah oo ay ku soo bandhigeyso weerarada dilalka qorsheysan ah iyo qaraxyada ee ciidamadooda gaarka ah ee amniga ay ka wadaan magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose.


Filimkan oo loo diyaariyey qaab xirfadeysan oo heer sare ah ayaa lagu soo gudbinayaa dhinac ka mid ah howlgallada Guutada Amniga ee Al-Shabaab ee loo yaqaano Maxamed Bin Maslama ee beegsada saraakiisha iyo madaxda dowladda Federalka.

Ugu horreyn waxaa filimka lagu daah furayaa dhoolatus cajiib ah iyo tababarro ay sameynayaan ciidamada gaarka ah ee Amniyaatka kuwaas oo ku tababaranaya Mucaskar gaar ah oo aanan la sheegin halka uu ku yaallo.



Kadib wuxuu filimku soo bandhigayaa howlgallo gaar ah oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka fulinayaan gudaha caasimadda kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo lagu beegsanayo Saraakiil ciidan, Ergooyinka soo xulay xildhibaanada iyo shaqaale ka tirsan dowlada federalka.

Sidoo kale waxaa filimka lagu soo bandhigayaa silsillado qaraxyo ah oo badankood lala beegsanayo ciidamada AMISOM ee ku sugan wadanka, waxaana muuqaalka lagu daawan karaa gaadiidka gaashaaman ee shisheeyaha oo bool bool u kala faniinaya.

Muuqaalka ay baahisay Al-kataa’ib waxaa sidoo kale lagu soo bandhigayaa qarax xoogan oo bishii Maarso ee sanadkan lagu dilay xildhibaanno ka tirsan maamulada HiirShabelle iyo Koonfurgalbeed kaas oo ka dhacay Sh/hoose.

Qaraxan ayaa lagu dilay Xildhibaan C/Qaadir Baraf oo ahaa waziiru dowlihii amniga ee koonfur galbeed, sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsan maamulkaas, iyo xildhibaan kale oo lagu magacaabo Axmad Cabdi Faarax Kaboweyne oo ka tirsanaa baarlamaanka HiirShabelle.

Waxaa muuqaalka lagu arkayaa gaariga ay la socdeen xildhibaanada oo bool bool u kala faniinaya ka dib markii uu qaraxu qabsaday.

Inkastoo gaariga la rumeysan yahay inuu ahaa kuwa aanu xabada karin, hadana markii uu qaraxu qabsaday gabi ahaantiiba wuu burburay sida muuqaalka lagu arkayo.

Ku Daawo Facebook
Halkan ka degso Filimka MP4
















Related Items