Faah Faahin: Saldhiggii Ciidamada 'Puntland' Ee Deegaanka Balli Khadar Duleedka Boosaso Oo Cagta lamariyay.

Saturday June 02, 2018 - 05:17:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Saldhiggii Ciidamada 'Puntland' Ee Deegaanka Balli Khadar Duleedka Boosaso Oo Cagta lamariyay.

    Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar xoog kugal ah ku qaaday saldhig melleteri oo ciidamada maamulka 'Puntland' ay ku lahaayeen duleedka Boosaaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore weerarkii Afurur
Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar xoog kugal ah ku qaaday saldhig melleteri oo ciidamada maamulka 'Puntland' ay ku lahaayeen duleedka Boosaaso.

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal xooggan kadib ay xoogaga Al Shabaab usuurtagashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta Deegaanka Balli Khadar oo uu kuyiillay saldhig Melleteri.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay cagta mariyeen saldhigga ayna qaniimeysteen  dhammaan wixii hub iyo gaadiid ahaa oo ciidamada Puntland ku heysteen saldhigga Balli Khadar.

Khasaaraha dhimashada ee ka dhashay weerarka ayaa lagu sheegay  in ay u dhaxeyso 5 askari illaa 7 askari oo dhimasho ah, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay sheedda sare ka arkayeen gaadiid gubanaya.


Shabaabul Mujaahidiin waxay sheegtay in dagaalka ay ku qabsatay 8 gaari oo nuuca dagaalka ah balse ay gubtay 7 baabuur halka gaari Tiknika ah ay kaxeysteen, sidoo kale Keydadkii hubka ciidamada Puntland ee saldhigga Balli Khadar waxaa daabushay ciidamada Al Shabaab ee ka howlgala Buuraha Goolis.

17,Ramadaan sanaddii lasoo dhaafay maanta oo kale ayay aheyd markii sidaan oo kale ay ciidamada Al Shabaab cagta u mariyeen saldhig melleteri oo kuyiillay deegaanka Af Urur ee gobolka Bari halkaas oo Puntland looga dilay ku dhowaad 100 Askari.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items