Xaaladda Moqokori Oo Deggan iyo Ciidamada Itoobiya Oo Dib Ugu laabtay Maxaas [Warbixin].

Saturday June 02, 2018 - 19:00:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladda Moqokori Oo Deggan iyo Ciidamada Itoobiya Oo Dib Ugu laabtay Maxaas [Warbixin].

    Waxaa soo gaba gaboobay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo saacadihii lasoo dhaafay ka jiray deegaanno katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo gaba gaboobay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo saacadihii lasoo dhaafay ka jiray deegaanno katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamo Itoobiyaan ah iyo maleeshiyaad Soomaali ah oo howlgallo Meyd aruurin iyo baadi goobka dhaawacyo ka waday baadiyaha degmada Moqokori ayaa dib ugu laabtay degmada Maxaas.

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa si buuxda gacanta ugu haya degmada iyo deegaannada hoos yimaad kadib dagaal qaraar oo shalay ay lagaleen maleeshiyaadka DF-ka ee Itoobiya soo tababartay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in maanta gelinkii dambe ay saraakiisha ciidamada Al Shabaab ay goob fagaara ah kala hadleen shacabka Moqokori waxayna ugu baaqeen in ay isdajiyaan.


Shacabka magaalada ayaa lagu wargeliyay in maalmaha soo socda uu dib ushaqa bilaabi doono maamulkii islaamiga ahaa ee magaalada ka jiray ka hor intii aysan qabsan ciiidamada huwanta ah.

Dhimashada ciidamada DF-ka ee dagaalkii shalay ayaa la sheegay in ay gaartay 70 askari kadib markii Meydad hor leh maanta laga helay Howdka kala qeybiya degmooyinka Maxaas iyo Moqokori.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items