Akhriso: Tirakoob Ku Saabsan Tirada Diyaaradaha Ruushka loogasoo Riday Dalka Suuriya iyo Askarta looga Dilay.

Sunday June 03, 2018 - 15:46:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Tirakoob Ku Saabsan Tirada Diyaaradaha Ruushka loogasoo Riday Dalka Suuriya iyo Askarta looga Dilay.

    Khasaara Melleteri iyo mid dhaqaale oo baaxad leh ayaa dowladda Ruushka lagu gaarsiiyay dagaalka ka holcaya wadanka Suuriya ee dhaca Mandiqadda Shaam.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara Melleteri iyo mid dhaqaale oo baaxad leh ayaa dowladda Ruushka lagu gaarsiiyay dagaalka ka holcaya wadanka Suuriya ee dhaca Mandiqadda Shaam.



Xarun daraasaad oo fadhigeedu yahay wadankaas ayaa  faafisay Macluumaad ku aaddan diyaaradaha dowladda Ruuskhka kaga burburay howlgalka islaam ladirirka ah oo ay ka wadaan Suuriya oo ay ku lug yeelatay  sanadii 2015.

Dowladda Ruushka ayaa kusoo biirtay dagaalka Islaam la dirirka ah ee ka holcaya wadanka Suuriya Sanadi 2015, kadib markii ay u baqday Masiirka Maamulka Nuseyriga ah ee uu Hoggaamiyo Bishaar Al-Asad oo dagaalo xooggan kala kulmayay dhanka kooxaha Mucaaradka ah ee ka dagaalama wadankaasi.



Dagaalka ay ku lug yeelatay ayay ku weysay diyaarado dagaal iyo kuwa qaada ciiidanka oo dhowr ah, markazkaan ayaana sameeyey tira koob ku aaddan tirada  diyaaradaha ka burburay,askarta kaga dhimatay iyo iyo qiimaha dhaqaale oo ay ku fadhiyeen diyaaradahaasi.

Markazkan ayaa sheegaya in Dowlada Ruushka mudada seddexda sano ah ee ay ku sugan tahay wadanka Suurya, ay ku weysay ilaa 22 diyaaradood, kuwaas oo Lix kamid ah kooxaha Mucaaradka ay gacantooda kusoo rideen, 8 kalena ay u soo dheceen cilladoFarsamo, halka 8da kalena aan la garaneyn sababaha ay usoo dheceen.

Diyaaradahan ayaa kala ah, 8 nooca dheereeya ee miigaga loo yaqaan oo isugu jira Sokhi30, Shokhi33, Sokhi25, Mig 24, iyo Miig 35 iyo sidoo kale 12 diyaarad oo ah Nooca Helicopterka iyo 2 kuwa xamulka Qaada ah.

Sanadkii ugu horreeyey ee howlgalkeeda ayay dowlada Ruushka ku weysay wadanka Suuriya laba kamid ah diyaaradaheeda dagaalka, halka Sanadii 2016 uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa oo ay kasoo dheceen ilaa 11 diyaraadood, sanada 2017ka 3 diyaarad oo kaliya ayaa ka burburay Ruushka, halka Sanadan 2018 oo hadda aan kujirnana aykasoo dheceen ilaa 4 diyaaradood.

Tirada askarta kaga dhimatay Burburka diyaaradahan ayaa lagu sheegay inay gaareyso ilaa 151 Askar Ruushan ah, waxaana ugu dhimasha Badnaa Shil ka dhacay garoonka Sotshi oo ku yaala gudaha dalka Ruushka Xilli diyaarad kuwa xamuulka qaada ee loo Yaqaan Tobilov oo kusoo wajahnayd Suurya ay ku burburtay meel ku dhow garoonkaas, shilkaas oo ay ku dhinteen 92 Askari iyo koox Fanaaniin ah oo katirsanaa ciidanka Militaryga Ruushka.

Shilka labaad ee ugu dhimasha badna ayaa ka dhacay Garoonka Xumeymiim oo ku yaala Gobolka Laathiqiya ee wadanka suurya kadib markii ay Burburtay diyaarad nooca Xamuulka qaada ah ee loo yaqaan ANTONOV26 xilli ay ku dageysay garoonka Xumeymiim, waxaana ku dhintay 39 Askari oo katirsan ciidanka Ruushka.

Diyaaradahan ayaa la sheegayaa in qiimo ahaan ay ku fadhiyaan qarash lacageed oo gaaraya 289 Milyan oo Dolar, halka dowlada Ruushka ay 11 Milyan oo dollar oo dheeri ah ku bixisay ehelada dadkii kaga dhintay labada diyaaradood ee ahaa xamuulka ee kukala dhacay Garoonka Sotshi oo ku yaala dalka Ruushka iyo Garoonka Xumeymiim o ku yaala wadanka Suurya.


Xigasho: NORS Studies

Related Items