Al Shabaab Oo Gacanta Ku Dhigtay Diyaarad Aan Duuliye laheyn Ah Oo Kusoo Dhacday Deegaanka Mubaarak Sh/Hoose.

Sunday June 03, 2018 - 06:31:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Gacanta Ku Dhigtay Diyaarad Aan Duuliye laheyn Ah Oo Kusoo Dhacday Deegaanka Mubaarak Sh/Hoose.

    Mid kamida diyaaradaha wax basaasa oo dowladaha reergalbeedku ay leeyihiin ayaa kusoo dhacday deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida diyaaradaha wax basaasa oo dowladaha reergalbeedku ay leeyihiin ayaa kusoo dhacday deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.


Wararka imaanaya gobolka Sh/hoose  gaar ahaan duleedka deegaanka Mubaarak ayaa sheegaya in diyaarad nuuca wax basaasa ah ay soo dhacday waxaana gacanta ku dhigay ciidamada Xisbada mujaahidiinta.

Saraakiil katirsan Xarakada Al Shabaab oo ku sugan Shabeelaha Hoose ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaraddu ay kusoo dhacday dhul beereed xili ay howllo basaasnimo ku heysa shacabka muslimiinta deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada mujaahidiintu ay gacanta ku dhigeen burburka diyaaraddan oo loo malaynayo in ay leedahay dowladda Mareykanka ee sida tooska ah ugu lugta leh duullaanka lagusoo qaaday dalka Soomaaliya, ciidamo katirsan Al Shabaabayaa ayaa gacanta ku dhigay diyaaradan waxayna ula dhaqaaqeen goob amni ah.


Goob joogayaal ayaa sheegay in diyaaradda soo dhacday ay ku xiranyihiin Kaamirooyinka wax basaasa.

Diyaaradaha wax duqeeya ee aan duuliyaha laheyn iyo kuwa wax basaasa ayaa maalmihii lasoo dhaafay lagu arkayay iyagoo dul heehaabaya deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose oo Al Shabaab ay maamusho.

Ciidamada Mareykanka oo ay wehliyaan maleeshiyaad Soomaali ah  ayaa dhowr mar weeraro dad lagu xasuuqay ka fuliyay deegaanno ku teedsan wabiga shabelle ee gobolka Sh/Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items