Sawirro: Booliska Hindiya Oo Gaari Jiirsiiyay Qof Muslim Ah Gobolka Kashmiir.

Sunday June 03, 2018 - 07:27:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Booliska Hindiya Oo Gaari Jiirsiiyay Qof Muslim Ah Gobolka Kashmiir.

    Dibad baxyo rabshado wata ayaa ka dhacay gobolka Jaamu Kashmiir qeybta Hindiya xoogga ku heysato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibad baxyo rabshado wata ayaa ka dhacay gobolka Jaamu Kashmiir qeybta Hindiya xoogga ku heysato.



Wararka ka imaanaya magaalada Srinagar ayaa sheegaya in kumanaan qof muslimiin ah ay dibad baxyo ka hor dhigeen xarumaha maamulka dowladda Hindiya.

Dadka iskusoo baxyada dhigayay ayaa codsanayay in lasoo gaba gabeeyo gummeysiga dowladda Hindiya ku heyso muslimiinta islamarkaana xuriyad buuxda lasiiyay dadka gobolka kunool.

Rasaas ay ciidamada Booliska Yahuudda ku fureen dadka dibad baxyada dhigayay ayaa sababtay dhaawac soo gaaray in kabadan 70 qof oo muslimiin ah.



Ciidamada Booliska Hidniya ayaa gaari Jiirsiiyay mid kamida dadka iskusoo baxyada ka dhigayay magaalada Srinagar waxaana gaaray dhaawac halis ah, Video lagu faafiyay baraha internetka ayaa muujinayay ruux muslim ah oo gaari Boolis ah lajiirsiinayo waxaana jirkiisa ka qubanayay Xinjira dhiig ah.

Hoggaamiyaasha muslimiinta gobolka Jaamoow Kashmiir ayaa ka cabanaya ciriiri gelin dhanka cibaadada ah oo saraakiisha ciidamada Hindiya ay kusoo rogeen magaalooyinka gobolka.

Dowladda Hindiya ayaa gummeysi daran ku heysa muslimiinta Khashmiir wax ka badan 70 sanadood oo xiriir ah.




Related Items