Dowladda Itoobiya Oo Qorsheynaysa in Ay Qaaddo Xaaladda Bandawga Ah Ee Waddanka Lagusoo Rogay.

Sunday June 03, 2018 - 07:40:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya Oo Qorsheynaysa in Ay Qaaddo Xaaladda Bandawga Ah Ee Waddanka Lagusoo Rogay.

    Shir ay golaha wasiirrada wadanka Itoobiya ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayay ku ansixiyeen in laqaado xukunka xaaladda degdegga ah ee lasoo rogay sedax bilood ka hor.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir ay golaha wasiirrada wadanka Itoobiya ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayay ku ansixiyeen in laqaado xukunka xaaladda degdegga ah ee lasoo rogay sedax bilood ka hor.

Fitsum Ariga oo ah madaxa xafiiska R/wasaaraha Itoobiya Abeey Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in golaha wasiirrada ay qiimeeyeen xaaladda ammaan ee wadanka ayna ogolaadeen in laqaado xukunka xaaladda degdegga ah balse wuxuu sheegay in go'aanka kama dambeysta ah uu leeyahay baarlamaanka Federaaliga ah.

Kumanaan katirsan ciidamada melleteriga iyo kuwa sirdoonka ayaa lagu faafiyay gobollada wadanka waxayna geysanayaan gabood fallo ka dhan ah shacabka kacdoonka wada.


Xukunka xaaladda degdegga ah ayaa lasoo rogay kadib markii uu iscasilay Haille Marem R/wasaarihii hore islamarkaana ay sii xoogeysteen kacdoonnada ay dhigayaan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items