Weeraro Safballaaran Ah Oo Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidamada AMISOM Ee Deegaanno Katirsan Sh/Hoose.

Sunday June 03, 2018 - 07:44:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Safballaaran Ah Oo Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidamada AMISOM Ee Deegaanno Katirsan Sh/Hoose.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weeraro safballaaran ah ku qaaday saldhigyada ciidamada shisheeyaha AMISOM ku leeyihiin deegaanno iyo degmooyin katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weeraro safballaaran ah ku qaaday saldhigyada ciidamada shisheeyaha AMISOM ku leeyihiin deegaanno iyo degmooyin katirsan Sh/Hoose.


Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay ka dhaceen saldhigyada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin agagaarka Buundada degmada.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ciidamada AMISOM waxaana lamaqlayay jugta madaafiicda iyo daryanka rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay.

Sidoo kale dagaal culus ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Shalaambood oo ku dhow magaalada Marka, ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weeraro ku miray saldhigyada ciidamada AMISOM balse lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka.


Dhinaca kale weerar hubeysan ayaa markale lagu qaaday saldhigga ciidamada Uganda ee deegaanka Amabareeso ee duleedka magaalada xeebta leh ee Baraawe.

Weeraradan ayaa qeyb ka ah howlgallada ka dhan ah ciidamada dalka kusoo duulay inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items