Al Shabaab Oo 2 Askari Ku Dishay Xaafadda Suuq Bacaad Ee Muqdisho.

Sunday June 03, 2018 - 13:44:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo 2 Askari Ku Dishay Xaafadda Suuq Bacaad Ee Muqdisho.

    Rag hubeysan ayaa maanta duhurkii weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay mid kamida xaafadaha degmada degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan ayaa maanta duhurkii weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay mid kamida xaafadaha degmada degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya xaafadda Suuq Bacaad ayaa sheegaya in xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ay laba askari ku dileen gudaha suuqa.

Goob Joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay toogteen laba askari oo watay gaari nuuca raaxada ah, raggii weerarka geystay ayaa si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan askarta lagu dilay ee ka dhacay Suuq Bacaad sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.


Ku dhowaad 10 qof oo ciidamo ku jiraan ayaa 24 saacadood gudahood lagu dilay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, xildhibaanno katirsan DF-ka ayaa dilalkan walaac ka muujinaya iyagoo ku eedeeyay Xukuumadda Xasan Cali Kheyre in ay ku fashilantay sugidda ammaanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items