Sacuudiga Oo Weeraraya Qadar Haddii Ay Ruushka Ka iibsato Sawaariikhda S400.

Monday June 04, 2018 - 06:42:26 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga Oo Weeraraya Qadar Haddii Ay Ruushka Ka iibsato Sawaariikhda S400.

    Khilaafka u dhaxeeya dowladaha dabadhilifyada khaliijka ayaa meel xun gaaray xilli muddo sanada ah ay kasoo wareegtay markii uu khilaafkaasi dillaacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka u dhaxeeya dowladaha dabadhilifyada khaliijka ayaa meel xun gaaray xilli muddo sanada ah ay kasoo wareegtay markii uu khilaafkaasi dillaacay.

Dowladaha afarta ah ee hareereynta kusoo rogay xukuumadda Qadar ayaa ku hanjabay faragelin melleteri haddii Qadar ay sawaariikhda casriga ee ruushku farsameeyo S400 ay soo iibsato.

Hoggaamiyaha Aala Sacuud ayaa dhiggiisa faransiiska u sheegay in tallaab melleteri ay qaadi doonaan haddii qadar ay hesho sawaariikhda difaaca cirka ee ruushku farsameeyo.

Wargeyska Lemond ee faransiiska kasoo baxa ayaa soo daabacay in Emmanuel Macron oo ah madaxweynaha faransiiska uu farriin ka helay salmaan Bin cabdi casiis islamarkaana uu walaac ka muujiyay in Qadar sawaariikhdaas casriga ah hesho.


Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in tallaabadan ay Dooxa ku helayso Sawaariikhda S400 ay halis ku tahay majaalka difaaca hawada wadankeeda sidaas daraadeed ay ku qasbantahay in ay howlgal melleteri uga jawaabto isku daygaasi.

Dowladda Ruushka ayaa iyana si cara leh uga jawaabtay warka kasoo yeeray Sacuudiga waxayna ballan qaaday in sawaariikhda difaaca cirka ka iibiso Qadar.

Alexei Kondratiev oo ah madaxa guddiga difaaca iyo amniga ruushka ee baarlamaanka wadankaas ayaa sheegay in aysan dhegna jalaq usiin doonin qeylla dhaanta ka imaanaya Sacuudiga ayna Qadar ku hubeyn doonaan sawaariikhda casriga ah ,"farriinta katimid sacuudiga waa mid gardarra ah oo jeesjees ku ah masladda ruushka ee dibadda, waan ku dadaali doonnaa in aan qadar ku hubeynno sawaariikhda S400" ayuu yiri madaxa guddifa difaaca iyo amniga baarlamaanka ruushka.

hoggaamiyaha sacuudiga wuxuu sheegay in mowqifka ay qaateen ay isku xir kala sameeyeen dowladda mareykanka ayna ku waafaqday in laga hortago in Qadar lagu hubeeyo sawaariikhda ruushku farsameeyo.

Waxaa xusid mudan in dowladda dabadhilifka sacuudiga qudheeda ay waddo dadaal ay ruushka uga iibsanayso sawaariikhda S400 sida uu xaqiijiyay Raa'id Bin khaalid Qarmali oo ah safiirka Aala Sacuud ufadhiya magaalada Moscow.

Dowladaha dabadhilifyada khaliijka ee hodonka ku ah shidaalka iyo dahabka waxaa ka dhaxeeya xifaaltan ay ku kobcinayaan dhaqaalaha dowladaha reer galbeedka iyagoo ku tartamaya in ay lacago ballaayiin dollar ah hub ugasoo iibsadaan.

Related Items