Weerar Bambaano Oo Lagu Qaaday Saldhig Kuyaal Magaalada Baydhabo.

Monday June 04, 2018 - 08:14:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Bambaano Oo Lagu Qaaday Saldhig Kuyaal Magaalada Baydhabo.

    Jugta qarax xooggan oo rasaas ay xigtay ayaa xalay laga maqlay bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jugta qarax xooggan oo rasaas ay xigtay ayaa xalay laga maqlay bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wararka ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in weeraro loo adeegsaday Bambaano lagu qaaday saldhig boolis oo kuyaal agagaarka isgoyska Afar Irdoodka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa kadib lamaqlayay rasaas xooggan oo ay furayeen ciidamadii lagu weeraray gudaha saldhigga.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli ammaanka Baydhabo si aad ah loo adkeeyay waxaana magaalada ku sugan hoggaamiyaal dabadhilifya ah oo uu hoggaaminayo Farmaajo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items